Arbaco, June 06, 2007(HOL): Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya ayaa saakay waxay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoo meelaha qaarkood joojiyay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka.
Wadada Wadnaha, Wadada 30-ka iyo tan Warshadaha ayaa la arkayay Ciidamo tiro badan oo la soo dhoobay, waxayna Ciidamadaas Dadka iyo Gaadiidkaba ka hor-istaageen in ay Waddooyinkaas isticmaalaan, waxayna taasi caqabad ku noqotay dad badan oo isugu jiray kuwo soo shaqo tegay iyo kuwo kasab Tacliineed u soo baxay.
Sidoo kalena Xayiraadda ay Ciidamadan ku soo rogeen Qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo maanta ka duwanaa sidii uu ahaan jiray, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo ay Dad u soo ganacsi tegi jiray Suuqa ay waayeen meel ay soo maraan, kadibna ay guryahooda isaga laabteen.
Howlgallada ka socda Magaalada Muqdisho ee ay sameynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay Magaalada Muqdisho ka dhacayeen qaraxyo lala beegsaday madaxda Dowladda Federaalka, kuwaasi oo uu ugu dambeeyay mid lala beegsaday Guriga Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ee Magaalada Muqdisho.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Ciidamadan Booliska ah iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee lagu soo daadiyay Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta Ammaanka Magaalada oo beryihii aynu ka soo gudubnay aad u xumaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






