Arbaco, June 06, 2007(HOL): Xubnihii laga saaray Baarlamaanka Soomaaliya ee la baxay Xildhibaanada Xorta ah ayaa cambaareeyay booqashadii uu shalay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ku tegay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxayna booqashadaas ku tilmaameen mid uu Meles Zenawi ku soo booqanayay Ciidamadiisa sida ay yiraahdeen gumeysiga ku heysta Soomaaliya.
Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo Xubnahaas ka mid ah, isla markaana u waramay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in booqashada Meles Zenawi uu ku tegay Magaalada Muqdisho ay tahay mid ay Itoobiya ku sii adkeysaneyso gumeysiga ay ku heyso Soomaalida.
“Waxaan qabnaa booqashada Meles Zenawi in ay tahay kormeer uu ku sameynayo isticmaarkiisa cusub, taasi oo ah in uu soo arko sida ay Ciidamadiisa u laayeen Dadka Soomaaliyeed, sida ay u barakiciyeen, sida ay u kufsadeen Gabadhii Soomaaliyeed, sida ay Hantida dadka u dhaceen iyo sida ay u doonayaan in ay u sii heystaan”ayuu yiri Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.
Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii ay isaga kicin lahaayeen cadawga qabsaday, sharafkooda soo ceshadaan, isla markaana ay meel iska dhigaan qabyaaladda u dhaxeysa ee kala qeybinta u horseedi karta.
Saleebaan Colaad Rooble oo isna ka mid ah Xubnahaas la baxay Xildhibaanada Xorta ah ayaa ku eedeeyay Ciidamada Dowladda Itoobiya in ay galeen Masjidka Al-Huda ee ku yaala Magaalada Muqdisho, isla markaana ay halkaas ka kaxeysteen Culumaa’udiin halkaas ku sugnaa, wuxuuna falkaas ku tilmaamay mid aan wanaagsaneyn.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xubnahan la baxay Xildhibaanada Xorta ah oo haatan ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa waxaa horay looga qaaday Xilkii Xildhibaannimo ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xil ka qaadistooda loo cuskaday inay ka dhego-adeygeen baaq uu u jeediyay Guddoonka Baarlamaanka oo ahaa in ay muddo 30 cisho gudahood ah ay ku tagaan Xarunta KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ah Magaalada Baydhabo, iyagoo xiligaasina ku sugnaa Dalka Eritrea.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






