15.4 C
London
Thursday, November 6, 2025

Meles Zenawi oo booqasho ku tegay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

R/Wasaare Mele Zenawi
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi

Talaado, June 05, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa maanta booqasho aan la shaacin waxaa uu ku tegay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah.

Meles Zenawi oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa uu haatan kulan kula leeyahay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo isna maanta Muqdisho soo gaaray kadib socdaal uu ku tegay Dalka Liibiya, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marka uu kulankaas soo dhamaado kadib ayaa la filayaa in madaxda Dowladda Federaalka iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ay shir jaraa’id qabtaan, kaasi oo ay ku faah faahinayaan waxyaabaha ay ka wada hadleen iyo booqashada uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ku tegay Magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaan jiray isagoo ka soo horjeeday Dowladdii Mingistu Haila Mariama.

Booqashada aan la sii shaacin ee uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ku tegay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo howlgallo baaxad leh oo ay Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka ay saakay ka sameeyeen xaafadaha u dhow garoonka Diyaaradaha iyo Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa marka la isku daro waxaa soo baxeysaa in uu howlgalkaas ahaa mid loogu sii gogol xaarayay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, waayo Ciidamada Iyoobiyaanka waxay saakay diideen in ay Gaadiidka maraan Wadada ka tagta KM4 ee u baxda dhinaca Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa imaatinkiisa Muqdisho wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii dorraad ahayd qarax is-miidaamin ah lala beegsaday guriga uu Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ka degan yahay Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasina ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo u badnaa ilaaladii guriga Ra’iisal Wasaaraha.

Wixii ku soo kordha Booqashada uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ku tegay Muqdisho kala soco Hiiraan Online Haddii Alle Idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).