Talaado, June 05, 2007(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay taageereyso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku howlan in ay nabadeyso Dalka Soomaaliya, isla markaana ay qaban qaabiso Shir dib u heshiisiineed oo loo qabanayo Beelaha Soomaaliyeed.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Sean McCormack ayaa sheegay in ay Dowladda Mareykanka farsamo ahaan taageeri doonto baaritaannada lagu hayo Qaraxii 3-dii bishan lala beegsaday Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, “Weerarkan wuxuu banaanka u soo saarayaa sida ay kooxaha xag-jiriinta ah iyo kuwa argagixisada ah ay ku doonayaan in ay carqaladeeyaan shirka dib u heshiisiinta ah ee dhawaan lagu qaban doono gudaha Soomaaliya, mana ku guuleysan doonaan taas”ayuu yiri Sean McCormack.
Afhayeenkan u hadlay Dowladda Mareykanka ayaa wuxuu sheegay in ay Dowladdiisa cambaareyneyso Weerarkii Qaraxa ahaa ee lala beegsaday Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, kaasi oo ay ku dhinteen ilaa 7 ruux oo u badnaa ilaaladii Guriga Ra’iisal Wasaaraha.
Sidoo kalena Midowga Yurub ayaa isna cambaareeyay Qaraxii lala beegsaday Ra’iisal Wasaare Geedi, wuxuuna falkaasi weerarka ah ku tilmaamay mid xun. Midowga Yurub ayaa dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliyana ugu baaqay in ay colaadaha joojiyaan, isla markaana ay wax kasta ku dhameeyaan wada hadal iyo is-faham siyaasadeed.
Hadalkan ka soo baxay Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Kooxda Xiriirka Soomaalida ee ay xubnaha ka yihiin Mareykanka, UN-ka, Midowga Yurub, Talyaaniga, Norway, Sweden iyo Tanzania ay shir labo maalmood socon doona uu maanta uga furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo shirkaasina looga hadlayo Xaaladda Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






