Talaado, June 05, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay howlgallada ay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku baarayaan guryaha iyo gaadiidka isaga kala goosha Waddooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in ay howshaasi qeyb ka tahay sugidda ammaanka Caasimadda Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhuftay in waddooyinka gala degmooyinka ay howlgallada ka socdaan ee la xiray la furi doono marka ay soo dhamaadaan howlgallada ay wadaan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka oo dadka dhacayay gacanta lagu soo dhigay, isagoo caddeeyay in ay dadkaasi ka qaateen lacag dhan 700,000 Sh. So ah, taasi oo uu ballanqaaday in la siin doono dadkii laga qaatay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere ayaa intaas ku daray in ragga ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka ee falalka burcadnimada ah lagu soo qabtay ay tiradoodu gaareyso 7 nin, kuwaasi oo xabsiga loo taxaabay, isla markaaba sharciga la hor-keeni doono.
Howlgallada ay sameynayaan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmihii tegay ka dhacayeen Magaalada Muqdisho qaraxyo kala duwan oo mid ka mid ah lala beegsaday Guriga Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ee Magaalada Muqdisho iyo weliba dilal loo geystay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Howl-Wadaag iyo Ceel-Buur.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






