Talaado, June 05, 2007(HOL): Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika, Haweeneyda lagu magacaabo Jendayi Frazer ayaa sheegtay in ay 30 xubnood ah oo ka tirsan Ururka Al-Qaacidda ay ku sugan yihiin Soomaaliya, gaar ahaana Magaalada Muqdisho iyo Wadamada Soomaaliya la deriska ah.
Jendayi Frazer ayaa hadalkan jeedisay mar wax laga weydiiyay sababta uu Markab Dagaal oo uu Ameerikaanka leeyahay uu u duqeeyay deegaano ka tirsan Gobolka W/Bari Soomaaliya, waxayna caddeysay in uu weerarkaas yimid kadib markii ay heleen xog ku saabsan in ay halkaas ku sugan yihiin Kooxo Argagixiso ah oo ka tirsan Shabakadda Al-Qaacidda.
“Arrintan waxaan u heynaa caddeymo badan, qaarkood ayaana horay u sheegay in ay ka qeyb-qaadanayaan Jihaad, xitaa Saxaafaddana wey ka sheegeen”ayay tiri Jendayi Frazer oo marka ay hadalka jeedineysay ka sii duuleysay Garoonka Diyaaradaha Angola ee 4 de Fevereiro International Airport, iyagoo ku sii jeeday Dalkeeda Mareykanka.
Jendayi Frazer waxay intaas ku dartay in ay weliba hayaan warbixinno lagu kalsoonaan karo oo ay soo gudbiyeen Waaxahooda Sir-doonka, kuwaasi oo laga heli karo Website ay leedahay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxayna carrabka ku dhufatay in xitaa la hayo magacyada dad ku jira liiska Argagixisada ee ay hayaan Mareykanka iyo UN-ka.
Dhanka kalena Koox la baxday Dhaqdhaqaaqa Dhalinyarada Mujaahidiinta ayaa sheegatay in ay ka dambeysay Qaraxii dhawaan lala beegsaday Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, waxayna kooxdani soo bandhigtay Magaca Ninkii is-miidaamiyay ee qaraxaas sameeyay, kaasi oo ay ku magacawday Cabdulcasiis Maxamed Samatar, waxayna Kooxda ninkaasi ku tilmaantay Geesi Naftiisa huray.
Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan dambe waxaa ku soo badanayay Falalka dilalka iyo Qaraxyada ah ee lala beegsanayo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo weliba fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, mana muuqato ilaa iyo haatan awood ay Dowladda Federaalka wax uga qabaneyso Falalka Nabadgelyo darrada ah ee Muqdisho ku soo kordhaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






