Talaado, June 05, 2007(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo warsaxaafadeed ka soo saaray xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka codsaday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato amni darrada sii baaheysa ee ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in haddii aaney Xukuumadda wax ka qaban ammaanka Magaalada Muqdisho ay dhibaatada amni darrada sii baahi doonto, isagoo dhinaca kalena si kulul u cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee dorraad lagu qaaday Guriga Ra’iisal Wasaare Geedi.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in dadkii ku geeriyooday qaraxaasi ay ahaayeen kuwo ay dishay gacan ka gardaran, wuxuuna tacsi u diray qoysaskii, eheladii iyo asxaabtii ay dadkaasi ka geeriyoodeen.
Kooxihii ka dambeeyay Qaraxaas ayuu sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka sheegay in ay yihiin kuwo naxariis daran oo dhameynaya dadka Muslimiinta ah ee aan waxba galabsan, sidaas darteedna wuxuu ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay Dowladda kala shaqeeyaan sidii ay ammaanka u sugi lahayd, isla markaana ay kooxahaas uga hortegi lahayd.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee ka tirsan Dowladda Federaalka oo cambaareeyay falkii Qaraxa ahaa ee lagu dili lahaa Ra’iisal Wasaare Geedi marka laga reebo in ay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ay eedeeyeen kooxihii ka dambeeyay Qaraxaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






