15.4 C
London
Thursday, November 6, 2025

Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka oo baaritaano ka wada Degmooyinka ka tirsan Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, June 05, 2007(HOL): Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan ayaa saakay waxay baaritaano ka wadaan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo howlgalkooda baaritaanka ahna lagu sheegay mid wax looga qabanayo ammaanka magaalada Muqdisho oo beryahan sii xumaanayay.

Xaafadda Suuqa Xoolaha, Ex-Koontarool Balcad iyo Xaafado kale oo u dhow Hotellada Guuleed iyo Ramadaan ayaa waxaa baaritaano ka sameeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu soo fasaxay Waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo ay baarayeen Gaadiidka iyo Dadka isticmaala Wadada Xamar iyo Balcad isku xirta.

Sidoo kalena Ciidamo Itoobiyaan ah oo la geeyay Isgoyska KM4 ayaa iyaguna waxay baaritaano ka sameeyay xaafadaha u dhow Isgoyskaas, iyagoo xayiray Gaadiidka isticmaali jiray Wadada ka tagta Isgoyska KM4 ee u baxda dhinaca Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Ciidamo Boolis ah ayaa iyaguna waxaa lagu arkayay Isgoysyada Howl-Wadaag, Aadan Cadde, Florenza, Siinaay iyo Afarta Jandiino, kuwaasi oo baaris xooggan ku hayay gaadiidka isticmaalada Wadada Wadnaha. Ciidamada Booliska ah ee ku sugan Isgoyska Siinaay ayaa waxay saakay qabteen Askari ka tirsanaa Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka, kaasi oo u hoggaansami waayay amar ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ciidamada Mileteriga farayay in ay Magaalada Muqdisho ka baxaan.

Askarigaas ka tirsanaa Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka oo isku dayay in uu rasaaseeyo Ciidamadii Booliska ahaa ee qaban rabay ayaa aakhirkii is-dhiibay, kadib markii ay dhowr meelood rasaas kaga fureen Ciidamada Booliska ah ee Isgoyskaas ku sugnaa, isla markaana ay ka awood roonaadeen.

Ciidamadan Booliska ah iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee lagu soo daadiyay Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta Ammaanka Magaalada oo beryihii aynu ka soo gudubnay aad u xumaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).