
Isniin, June 04, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo saakay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay qarax shalay lala beegsaday gurigiisa, kaasi oo ay ku dhinteen ilaa todobo ruux oo u badnaa ilaaladiisa.
Ra’iisal Wasaare Geedi oo shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa ayaa wuxuu sheegay in ay Qaraxaas ka dambeeyeen Kooxo Argagixiso ah oo xiriir la leh Al-Qaacidda, kuwaasi oo uu ku tilmaamay kuwo fulayiin ah oo aan si toos ah uga hor imaan karin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Shalay oo bisha June ay 3 ahayd ayaa waxaa Xaruntan Deegaaneyka ah soo weeraray cadaw is-miidaamiyay oo waxyaabaha qarxa ku hubeysnaa, kuwaasi oo ujeedadoodu ahayd in ay nafteyda, mas’uuliyii ila joogtay iyo Ciidamada Dowladda Federaalka laayaan, taasi oo ah falal argagagixiso, waxaana falal noocaas ah lagu yaqaanaa Ururka Al-Qaacidda ee Argagixisada Caalamiga ah hoggaamiya, taasi oo ujeedkoodu yahay in Xasilooni darro iyo Jaha-wareer la geliyo dalalka Caalamka oo ay Soomaaliyana ka mid tahay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi
Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in ay shaaca ka qaadi doonaan Kooxaha ka dambeeya Qaraxyada ee sida uu yiri Muqdisho u jooga Al-Qaacidda, wuxuuna caddeeyay in ay haatan socoto baaris arrintaas lagu hayo. Prof. Geedi waxaa uu sheegay in aysan si sahal ah ku dhamaaneynin kooxaha argagixisada ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in weerarka lagu soo qaaday uu gelin doono feejignaan iyo firfircooni dheeraad ah.
Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu intaas ku daray in weerarada loo geysanayo Mas’uuliyiinta Dowladda aysan hakin doonin yoolka ay Dowladda Federaalka hiigsaneyso ee ah in ay soo celiso sharcigii iyo kala dambeyntii Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Dowladda Federaalka gacan bir ah ku qaban doonto kooxaha argagixisada ah.
Ra’iisal Wasaaraha wuxuu tacsi u diray Dadkii ku dhintay Qaraxaas, sidoo kalena wuxuu Alle Caafimaad uga baryay Dadkii kale ee ku dhaawacmay, kuwaasi oo u badnaa ilaalada gurigiisa iyo dad kale oo ka dhawaa halka Qaraxa ka dhacay.
Prof. Geedi oo ka codsaday beesha Caalamka in ay ku gacansiiso Dowladdiisa dagaalka ay kula jirto Kooxaha Argagixisada ah ayaa dhinaca kalena carrabka ku adkeeyay in ay Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo weliba kuwa Midowga Afrika ay la dagaalami doonaan Kooxaha Argagixisada ah.
Shirka Jaraa’id ee uu saakay qabtay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay Dowladda Dhexe iyo Dowladda Hoose ee Soomaaliya.
Qarax shalay lala beegsaday guriga Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa wuxuu geystay bur bur soo gaaray dhowr guri oo u dhow guriga Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasi oo uu ka mid yahay Xafiiska Midowga Yurub ee Magaalada Muqdisho, Dugsi Qur’aan, Masjid iyo Guryo kale. Qaraxa shalay lala beegsaday Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa wuxuu ahaa midkii afaraad ee loo geysto, kuwaasi oo dhamaantood uu Ra’iisal Wasaaraha ka badbaaday.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






