Isniin, June 04, 2007(HOL): Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo dilkoodana ay ka dambeeyeen labo dhalinyaro ah oo Bastoolado ku hubeysnaa.
Ciidamo kale oo tegay goobta falka dilka ah ka dhacay ayaa rasaas ay fureen waxaa ku dhintay labo ruux oo rayid ah, kuwaasi oo la xaqiijiyay in aysan wax lug ah ku lahayn dilkii loo geystay labada Askari ee ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.
Ganacsigii ka socday Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa hakad geliyay Ciidamo badan oo Suuqa la geeyay, kuwaasi oo rasaas kor u ridayay, waxayna taasi keentay inay dad badan albaabada u laabaan goobahooda ganacsiga, kadibna ay guryahooda isaga huleelaan.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu dilo Suuqa Bakaaraha, iyadoo dilalkoodana ay inta badan geystaan Rag Bastoolado ku hubeysan oo dilalka u fuliya si qarsoodi ah. Dad badan oo ka dhawaan halka dilka uu ka dhacay ayay Ciidamada Dowladda Federaalka kaxeysteen, kuwaasi oo aan la ogeyn meel lala aaday.
Dilalka loo geysto Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku yimaadaan dayac ay Askarta Ciidamada Dowladda isku sameeyaan, waxaana arkaa iyagoo dadka iska dhex lugeynaya oo aan taxadar badan qabin.
Horayna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa mar wax laga weydiiyay Askar Muqdiso lagu dilay waxaa uu sheegay in Askarta la dilay ay iyagu is-dayaceen bacdamaa sida uu yiri ay dadka dhexgalaan, isla markaana ay si caadi ah ula macaamilaan, taasi oo uu sheegay in ay keeni karto in la soo gaado oo la dilo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






