Isniin, June 04, 2007(HOL): Qaraxyo kala duwan ayaa habeenkii xalay ahaa iyo saakay waxaa lala beegsaday Fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Ciidamadii Qaraxa lala beegsadayna ay ku jawaabeen rasaas dhimasho sababtay.
Fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku yaala nawaaxiga Warshaddii Caanaha ee Magaalada ayaa waxaa lagu tuuray Bam gacmeed,lamana sheegin wax khasaare oo ka dhashay Qaraxa Bamkaas ka dhashay.
Saakay ayaa labo Qarax oo is-xigay waxay iyana ka dhaceen agagaarka Isgoyska Ex-Koontarool ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in qaraxaasi lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo halkaasi marayay.
Qaraxayada xalay iyo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo uu Magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax xooggan oo shalay galabtii lala beegsaday guriga uu Ra’iisal Wasaare Geedi ka degan yahay Magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan dambe waxaa caadi ka noqday Qaraxyada isugu jira Miinooyinka la geliyo Wadada dhinaceeda iyo weliba Bambooyinka gacanta laga tuuro ee aalaaba lala beegsado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ee Muqdisho ku sugan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






