16 C
London
Thursday, November 6, 2025

Guddoomiye kale oo Degmo oo xalay Muqdisho lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, June 04, 2007(HOL): Waxaa xalay lagu dilay Xaafadda Xarar-yaale ee Degmada Wardhiigley Marxuum Cali Maxamuud Siicow, kaasi oo dhawaan loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadgelyada Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey oo ka hadlay dilka loo geystay Guddoomiyihiin Degmada Ceel Buur ayaa sheegay in ay baarayaan dadkii ka dambeeyay dilka Marxuumka, isla markaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan marka ay ogaadaan.

Guddoomiyihii Degmada Ceel Buur ee dilay ayaa noqonaya Guddoomiyihii afaraad ee Muqdisho lagu dilo, iyadoo horay loo dilay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa iyo Howl-Wadaag, waxaana marxuumiintaas dhamaantood la dilay iyagoo ka soo baxay Masjid ay ku soo cibaadeysteen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo wax laga weydiiyay cidda damaanad qaadeysa Guddoomiyayaasha Degmooyinka Dalka oo beryahan bartilmaameed noqday ayaa wuxuu sheegay in ay go’aamiyeen in Guddoomiye kasta oo Degmo uu Saldhigga Degmadiisa ka kaxeysto labo boolis ah oo ammaankooda suga, “Guddoomiyihii aan Ciidamadaas kaxeysan oo ay wax soo gaaraan isagoo kaligiis iska socda isaga ayaa ka mas’uul ah wixii naftiisa soo gaara”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in kooxaha dilalka ka dambeeya ay yihiin kuwo Bastoolado la dhuunta oo aan awood badan lahayn.

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay qaraxii shalay lala beegsaday guriga Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa sheegay in ay Qaraxaasi ka dambeeyeen kooxo argagixiso ah oo ka soo horjeeda in la helo amni iyo kala dambeyn.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan dambe waxaa ku soo badanayay Falalka dilalka iyo Qaraxyada ah ee lala beegsanayo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo weliba fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, mana muuqato ilaa iyo haatan awood ay Dowladda Federaalka wax uga qabaneyso Falalka Nabadgelyo darrada ah ee Muqdisho ku soo kordhaya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).