Axad, June 03, 2007(HOL): Maamul Goboleedka Puntland ayaa warsaxaafadeed uu maanta ka soo saaray Dagaallo ka dhacay Deegaanka Baar-Gaal oo ka tirsan Gobolka Bari waxaa uu ku sheegay in ay dagaalkaas ku dileen Ciidamadooda dagaalyahanno Ajnabi ah oo tiradoodu dhan tahay 8 nin.
Warsaxaafadeedka uu soo saaray Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ragga la dilay ay u kala dhasheen dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Sweden, Pakistan, Eritrea iyo Yemen, iyadoo raggaasi ay dhinteen intii ay socotay Duqeyn uu sameeyay Markab dagaal oo uu Mareykanka leeyahay oo Xeebaha Soomaaliya ku sugan, kaasi oo duqeeyay deegaanada ay ku sugan yihiin Ragga la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-Qaacidada Bariga Afrika, inkastoo la sheegayo in uu jiray dagaal dhexmaray Kooxahaas iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaa-gaab oo u hadlay maamulka Puntland ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan aqoonsiyada ragga Ajnabiga ah ee ku dhintay Deegaanka Baar-Gaal, hayeeshee waxaa uu carrabka ku dhuftay in ay aqoonsiyadaas soo bandhigi doonaan kadib marka ay u soo dhamaato baaris u socota.
Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Mr. Robert Gates oo wax laga weydiiyay duqeynta uu Mareykanka ka geystay Deegaanada ka tirsan W/Bari ee Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in uu arrintaas faah-faahin dheeraad ah ka bixiyo, wuxuuna kaliya sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada socda.
Dagaalka ka dhacay Deegaanka Baar-Gaal ee hoos yimaada Maamulka Puntland ayaa wuxuu yimid kadib markii ay deegaankaas gaareen rag Soomaali iyo Ajaaniib isugu jiray, kuwaasi oo la sheegay in ay ka tageen Xeebaha Koofurta Soomaaliya, iyadoo saraakiil u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykankana ay sheegeen in ragga halkaas tegay ay ka mid ahaayeen xubno uu Mareykanka u heysto in ay ka dambeeyeen Qaraxyo sanadkii 1998-kii loo geystay Safaarado uu Mareykanka ku lahaa Dalalka Kenya iyo Tanzania.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia