16 C
London
Thursday, November 6, 2025

Markab laga leeyahay Dalka Denmark oo lagu af-duubtay Xeebaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, June 03, 2007(HOL): Markab laga leeyahay Dalka Denmark oo lagu magacaabo Danica White, isla markaana ay saarnaayeen shan shaqaale ah ayaa lagu af-duubtay Xeebaha Dalka Soomaaliya, iyadoo markabkana uu ahaa Markab Xamuul ah.

 
Joergen Folmer oo Madax ka ah Shirkadda Maraakiibta Denmark ayaa sheegay in Markabkaas oo ka tegay Magaalada Dubai uu xiliga la af-duubanayay ku sii jeeday Magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Joergen Folmer waxaa uu intaas ku daray in qafaalashada Markabkooda uu sidoo kale xaqiijiyay Markab Dagaal oo uu Faransiiska leeyahay, kaasi awoodi waayay in uu Markabkaas badbaadiyo sabab la xiriirta in uusan fasax u qabin in uu Xeebaha Soomaaliya galo.
 
Xeebaha Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxay yihiin kuwo khatar ah oo aysan Gaadiidka Badda ku socdaali karin, waxayna khatartaas timid kadib markii ay ka dilaaceen Kooxo Burcad Badeed ah oo Maraakiibta iyo Doomaha Af-duubta, kuwaasi oo la sheego in ay heystaan Doomo Dheereeya iyo Isgaarsiin casri ah oo uu ku jiro Taleefoonka Sattelite-ka ee Thuraya.
 
Dhawaan ayay ahayd markii lacag madax furasho ah oo gaareysa 100,000 oo Doollar lagu sii daayay Markab lagu magacaabo Mariama Queen, kaasi oo la qafaashay isagoo Badeeco u siday Ganacsato Reer Muqdisho ah, isla markaana ku sii jeeday Dekedda Xamar, iyadoo sidoo kalena Xeebaha Soomaaliya lagu heysto Maraakiib laga leeyahay Dalalka Koofur Kuuriya iyo Taiwan.
 
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxay ka codsatay Beesha Caalamka in gacan lagu siiyo sidii ay ula dagaalami lahayd Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo Maraakiibta iyo Doomaha ay Af-duubtaan sii deyntooda ku xira lacag madax furasho ah oo aad u tiro badan.

 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).