12.9 C
London
Sunday, November 9, 2025

Meles Zenawi oo sheegay in ay Ciidamadiisa ku qasban yihiin in ay joogaan Soomaaliya tan iyo inta uu Ammaankeeda ka hagaagayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, June 28, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Itoobiya  Meles Zenawi ayaa sheegay in ay Ciidamadiisa ku qasban yihiin in ay sii joogaan Soomaaliya tan iyo inta laga xaqiijinayo xaaladda nabadgelyo ee Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya oo wada shaqeyn ka helaya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Dadka Soomaaliyeed ay dhabarka ka jebiyeen wax uu ugu yeeray Argagixiso.

 

Wuxuu sheegay Meles Zenawi in ay Dowladdiisa taageersan tahay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qabanayo magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay bixin doonaan taageero kasta oo macquul ah si loo hubiyo ammaanka halka lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta.

 

Hadalka Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo lagu shaaciyay website-ka http://www.waltainfo.com ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Ciidamada Itoobiya ay sidoo kale Soomaaliya ka bixi doonaan marka uu guul ku dhamaado shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Meles Zenawi oo soo hadal qaaday Dalalka Midowga Africa ee Ciidamada Nabad ilaalinta ah  u ballanqaaday Soomaaliya, wuxuu farta ku fiiqay in ay dalalkaas si ku cel celis leh ay ballanqaadkooda u soo cusbooneysiiyaan iyadoo aaney ilaa iyo haatan jirin Dalal Ciidamo u diray Soomaaliya, marka laga reebo Dowladda Uganda oo ay Muqdisho ka joogaan 1,500 oo Askari.

 

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxaa uu caddeeyay in ay Ciidamadiisa ka baxayaan Soomaaliya marka xaaladda Ammaan ay ka soo reyso ama sida uu Ra’iisal Wasaaruhuba sheegayo marka uu guuleysto Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, taasina waxay muujineysaa in aysan Ciidamada Itoobiya bixi doonin haddii aanu ammaanka Soomaaliya hagaagin ama uu guuldareysto Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah ayaa waxay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo la sheego in ay difaacayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamada Itoobiya ay mar kasta  is-faro-saaraan Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).