Khamiis, June 28, 2007(HOL): Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo maxkamadihii Islaamka u qaabilsanaa arrimaha Dibadda ayaa wuxuu jawaab ka bixiyay hadal uu shalay saxaafadda siiyay Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed.
Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in uu xiriir la sameeyay Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo maxkamadaha Islaamka ka tirsanaa, si ay uga qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qaban doono, inkastoo uu intaas ku daray in Prof. Caddow uu u sheegay in uu farriintiisa gaarsiinayo madaxda Maxkamadihii Islaamka.
Haddaba Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo hadalkaas daba socday ayaa sheegay in uusan jirin xiriir toos ah oo dhexmaray isaga iyo Cali Mahdi, wuxuuna caddeeyay in xiriirkaas uu ahaa mid uu ka shaqeeyay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) ee ku yaala Magaalada Nairobi.
“Aniga iyo Cali Mahdi kama wada hadlin arrimaha shirka, balse wuxuu ii sheegay in uu doonayo in uu la xiriiro Madaxda Maxkamadaha Islaamka, anigana waxaan ku iri Shiikh Shariif oo Asmara jooga ayaa Maxkamadaha Islaamka ka madax ah ee isaga u tag arrimahaasna kala hadal”ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo ku sugan magaalada Doxa ee Dalka Qadar
Prof. Caddow mar uu ka hadlayay arrimaha ka qeybgalkooda ee shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in aan xiligan dalka Soomaaliya lagu qaban karin shir dib u heshiisiineed sababtoo ah buu yiri Dalka Soomaaliya waxaa heysta Ciidamo Itoobiyaan ah, inkastoo uu hoosta ka xariiqay in haddii Soomaalida kaligood la isu daayo ay xal gaari karaan.
“Annaga waxaan soo dhaweynaynaa cid walba oo wada hadal doonaysa, Taleefoonadeenana waa kuwo furan, mana dhacayso inaan ka xiranno cid Soomaali ah, waxaana diyaar u nahay in wax walba heshiis laga gaaro si dalka uu u noqdo nabad”ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow.
Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee 15ka bisha soo socota ee July ka furmi doona Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu yahay mid aan la isku waafaqsaneyn waxyaabaha looga hadlayo, waxayna Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno ku fikir ah ay qabaan in shirka uu noqdo mid looga hadlo khilaafaadyada Siyaasadeed, halka Dowladda Federaalka oo iyadu lahayd fikirka qabashada shirkana ay ku doodeyso in ay shirka looga heshiinayo khilaafaadyo muddo dheer u soo dhaxeeyay Beelaha Soomaaliyeed.
Si kastaba arrintu ha ahaatee shirkan dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa qabashadiisa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uusan hagaagsaneyn ammaanka Magaalada Muqdisho oo la doonayo in shirka lagu qabto, inkastoo Saraakiil Dhinaca Ammaanka ah oo u hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in qaraxyada iyo dilalka Muqdisho ka dhacaya ay ka dambeeyaan dadka ka soo horjeeda Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






