13.8 C
London
Sunday, November 9, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo Dowladda Mareykanka ka codsaday in ay dhaqaale ku bixiso Ciidamada Nabad ilaaliyayaasha ah ee Soomaaliya la geynayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, June 27, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo haatan ku  sugan Dalka Mareykanka ayaa Dowladda Mareykanka ka codsaday in ay dhaqaale ku bixiso Ciidamada Nabad ilaaliyayaasha ah ee Soomaaliya la geynayo.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in haatan ay dalka Soomaaliya joogaan Ciidamo ka socda Uganda oo tiradoodu gaareyso 1,500 oo Askari, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamo kale oo laga sugayay Dalalka Midowga Afrika ay heysato dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah, taasi oo aanan u saamaxeynin in ay Ciidamadooda u diraan Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi oo maalinta berri ah ka qeybgeli doona kulan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka leeyahay Arrimaha Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu UN-ka ka codsan doono in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya, si ay u bedelaan Ciidamada Midowga Afrika.

 

Prof. Geedi waxaa uu sheegay in Dowladdiisa taageerada ka heysata UN-ka ay weerarro ku hayaan Islaamiyiin ah xag-jir ah iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Qaacidda, kuwaasi oo sida uu sheegay ka dagaalamay gudaha dalka Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi mar wax laga weydiiyay amni darrada ka jirta Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxaa uu sheegay in ay amni darradaas lug ku leedahay Al-Qaacidda, isagoo caddeeyay in Muqdisho lagu qabtay dagaalyahanno Ajnabi ah.

 

Mar uu ka hadlayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, wuxuu sheegay in Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed la qaban doono waqtiga loo asteeyay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in labadii jeer ee qabashadiisa dib loo dhigay aysan ka imaanin Dadka Soomaaliyeed, balse ay taasi la xiriirtay dhaqaalihii shirka lagu qaban lahaa oo aan laga helin Deeq-bixiyayaasha Caalamka.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Mareykanka waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Saraakiil ka socota Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Golaha Ammaanka Qaranka Mareykanka, kuwaasi oo uu kala hadli doono sidii ay Dowladda Mareykanka u garab istaagi lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay uga qeyb qaadan lahayd nabadeynta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

 

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in ay Soomaaliya ugu deeqeyso lacag dhan 100 Milyan oo Doollar, inkastoo lacagtaasi ay tahay mid aan si toos ah loogu wareejineynin Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse loo soo marsiin doono Hay’ado UN-ka ka tirsan oo Arrimaha Soomaaliya ku shaqo leh.

Sidee Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya loogu soo dhaweeyay Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka?

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).