13.8 C
London
Sunday, November 9, 2025

Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo sheegay in uu Xiriir la sameeyay Madaxda Maxkamadihii Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, June 27, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in uu xiriir la sameeyay madaxda maxkamadihii Islaamka, si ay uga qeybgalaan Shirka dib u heshiisiinta ah ee dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

 

Cali Mahdi waxaa uu sheegay in uu la hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadihii Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow, kaasi oo u sheegay in uu farriintiisa gaarsiin doono madaxda ka sareysa ee Maxkamadihii Islaamka, wuxuuna intaas ku daray Cali Mahdi in uu rajo wanaagsan ka qabo in ay jawaab ka heli doonaan dhinaca Maxkamadihii Islaamka.

 

Madaxda Maxkamadihii Islaamka ayaa horay u sheegay  in aan xiligan Dalka Soomaaliya gudahiisa shir lagu qaban karo, iyagoo taasina sabab uga dhigaya in uusan Dalka Soomaaliya xor ahayn oo ay heystaan Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Guddiga u xil saaran Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa muddooyinkan wuxuu kulamo la lahaa Xubno ka socday Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay ka wada arinsanayeen sidii uu shirka u noqon lahaa mid laga wada qeybgalo, sidoo kalena wuxuu guddiga la shiray Odayaasha Beelaha Hawiye ee wax ka tirsanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu guddiga kala hadlayay ka qeybgalkooda shirka.

 

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay nabadda ka shaqeeyaan, isla markaana ay iska iloobaan wixii horay u dhexmaray.

 

Cali Mahdi waxaa uu sheegay in Caalamka uu Soomaaliya ka aaminsan yahay meel aan nabad ka jirin oo wax lagu aamini karo aysan jirin, sidaas darteedna wuxuu Soomaalida ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii fikirkaas meesha looga saari lahaa oo Dalka Soomaaliya uu u noqon lahaa mid nabdoon.

 

Guddoomiyaha Guddiga u xilsaaran Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed waxaa uu ka hadlay meesha ay mareyso qabanqaabada loogu jiro qabashada Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, wuxuuna farta ku fiiqay in shirka la qaban doono waqtigii loo qabtay, isla markaana ay haatan qorsheynayaan Gaadiidkii lagu soo qaadi lahaa Ergooyinka Shirka ka qeybgelaya oo ka kala imaanaya dalka Soomaaliya gudahiisa iyo Dibaddiisa.

 

Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee 15ka bisha soo socota ee July ka furmi doona Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu yahay mid aan la isku waafaqsaneyn waxyaabaha looga hadlayo, waxayna Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno ku fikir ah ay qabaan in shirka uu noqdo mid looga hadlo khilaafaadyada Siyaasadeed, halka Dowladda Federaalka oo iyadu lahayd fikirka qabashada shirkana ay ku doodeyso in ay shirka looga heshiinayo khilaafaadyo muddo dheer u soo dhaxeeyay Beelaha Soomaaliyeed.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee shirkan dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa qabashadiisa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uusan hagaagsaneyn ammaanka Magaalada Muqdisho oo la doonayo in shirka lagu qabto, inkastoo Saraakiil Dhinaca Ammaanka  ah oo u hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in qaraxyada iyo dilalka Muqdisho ka dhacaya ay ka dambeeyaan dadka ka soo horjeeda Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).