13.8 C
London
Sunday, November 9, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo wax aan macno lahayn ku tilmaamay falalka ammaan darrada ah ee Muqdisho ka dhacaya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, June 27, 2007(HOL): Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho dad loo soo qabqabtay, kuwaasi oo uu sheegay in dhawaan sharciga la horkeeni doono.

 

Taliyaha waxaa uu sheegay in ammaanka Magaalada Muqdisho uu ka soo reynayo sidii uu ahaa, wuxuuna wax aan micno lahayn ku tilmaamay falal ammaan darro ah oo maalmahan Muqdisho ka dhacay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka Bandowga soo rogtay.

 

“Kooxaha Wax qarxinaya waa kuwo aan awood lahayn, waxaadna ogaaneysaan in aysan qiimo lahayn Bambo guri laga dhex tuuray oo aan la ogeyn halka ay ku dhaceyso”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo intaas ku sii daray in howlgallo ay Muqdisho ka wadaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya ay sii yareynayaan falalka ammaan darrada ah ee Muqdisho ka jira.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed mar uu ka hadlayay Bandowga ay Dowladda Federaalka ku soo rogtay magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in Bandowga uu yahay mid lagu soo celinayo amnigii, sharcigii iyo kala damebyntii ka jiri jiray Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in uu Bandowga sii socon doono tan iyo inta ammaanka laga sugayo.

 

Haddaba iyadoo uu Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed uu wax aan micno lahayn ku tilmaamayo qaraxyada Muqdisho ka dhaca, hadana waxaa shaki la’aan ah in uusan ammaanka Magaalada Muqdisho hagaagsaneyn, bacdamaa ay  habeen iyo maalin ka dhacaan Qaraxyo iyo Dilal.

 

Ugu dambeyntiina, Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee la rabo in ay sugaan ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa inta ay howlgalladooda ku guda jiraan waxaa weerarro fool-ka-fool ah iyo kuwo gaadmo ahba ku qaada kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, iyadoo ay weeraradaasi muujinayaan in ay aaney Dowladda Federaalka heynin Ciidamo tiro badan oo ay dhigto Isgoys kasta oo Muqdisho ku yaala, si ay uga hortagto kooxaha soo weerara.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).