Arbaco, June 27, 2007(HOL): Wixii ka danbeeyay dhawaan Markii lagu weeraray Duleedka Tuulada Hal-gan Kolanyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhinaca Magaalada Muqdisho, waxaa Tuulada Hal-gan hareeyay muran ku Saabsan Liiska Shaqsiyaad Ciidamada Itoobiya ay Doonayaan in lagu soo wareejiyo kuwaasoo lagu Tilmaamay in ay ka danbeeyeen weerarkii lagu qaaday Ciidamada islamarkaana gacan saar adag la lahaa Midowgii Maxkamadaha.
Mas’uuliyiinta deegaanka Hal-gan ayaa ku tilamaamay Liiskaasi in uu yahay mid qalad ah loona Baahan yahay ka hor inta aan loo gudbin Arimahaa oo idil in Sarkiisha Itoobiya Jawaab ka bixiyaan wax yeelada soo gaartay dadka Rayidka ah ee lagu weeraray gaariga Rakaabka ah, balse waxaaa uu muranku sii adkaaday kadib markii ay halkaa soo gaareen Ciidamo Boolis ah oo ka yimid dhinaca degmada Buula-burte kuwaasoo dhinacooda ku raad jooga shaqsiyaadka ay doonayaan Ciidamada Itoobiya.
Guddoomiyaha Tuulada Hal-gan Max’uud Jimcaale ayaa sheegay in Liiska la soo ban-dhigay Ragga ku qoran ay yihiin kuwo ka baxsan Gobalka, waxaana uu intaas ku daray in Maamulka Sare ee Gobalka looga fadhiyo in uu jawaab ka bixiyo wax yaabihii ka dhacay Tuulada.
Guddoomiyaha mar uu ka jawaabayay Cidda uu u maleynayo in qaraxaasi ay ka danbeysay waxaa uu Yiri “”Waa suurtagal in Bam ka qarxay yahay mid iyaga dhulka uga dhacay”, waxaana uu intaas sii raaciyay in Halka qaraxa ka dhacay ay tahay Goob cidlo ah.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Eng. Xuseen Mux’ed Maalin (Ayax) oo ka hadlay Qaraxii dhawaan ka dhacay Tuulada Hal-gan ayaa sheegay in wali Baaritaan la wado, ugu dambeyntana la ogaan doono waxa sababay qaraxaas.
Qaar ka mid ah dadkii dhawaan ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen Ciidamada Itoobiya gaari Rakaab ah ayaa dadkii saarnaa oo la soo gaarsiiyay Isbitaalka magaalada B/weyn waxay u sheegay Hiiraan Online ka hor inta uusan qaraxu dhicin in Ciidamada Itoobiyaanku istaageen halka qaraxu ka dhacay kadibna mar kaliya la maqlay dhawaaqa qaraxa iyo Rasaas is-xigtay, waxaana ay intaas ku dareen in rasaasta inteeda badan lala beegsaday gaariga ay saarnaayeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






