14.2 C
London
Sunday, November 9, 2025

Xaflad lagu soo dhoweeyey Ra’iisal Wasaare Geedi oo lagu qabtay Caasimadda Dalka Mareykanka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, June 27, 2007(HOL): Waxa habeenkii xalay ahayd lagu qabtay magaalada Washington DC ee Caasimadda Maraykanka Xaflad aad iyo aad u heer sarreysey oo lagu soo dhoweeyey Raiisul Wasaare Cali Geeddi iyo wafdigiisa. Waxa xafladda  lagu qabtay  Hoteelka Sheraton National oo ku dheggan xarunta Pentagonka Maraykanka waxaana ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo buuxiyey hoolkii loogu talo galay.

 

Dadweynahaa oo ka kala yimid dhammaan goboladda kala geddisan ee Maraykan iyo Kanada. Waxa kaloo ka soo qayb galay xafladdaa oo weliba erayo aad u macaan ka soo jeediyey guddomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka soomaaliyeed Mudane Maxamed Cumar Dalxa oo beryahan booqashooyin ku marayey waddankan maraykanka.

 

Waxaa goobta laga akhriyey Khudbado, Gabayo Af-Ingriisi iyo Soomali ah, Geeraarro, Buraanburo  iyo Talooyin ay shacbiga deggan north amerika ku muujinayeen taageradooda dowladda soomaaliyeed , baahida ay u qabaan iyo waxa ay la tahay in loo baahan yahay si loo gaaro hammiga qarannimo iyo soomaalinimo ee maanka lagu wada hayo.

 

Ugu dambeyntii waxa cod baahiyihii lagu soo dhoweeyey Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo u mahad naqay dadkii golaha isugu yimid iyo kuwii habeenkii uu yimid sida qiirada iyo xamaasadda leh u soo dhoweeyey. Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha ka warbixiyey safarkiisa, wax qabadka dawladdisa , sababaha uu u socdo iyo waxii ay la kulmeen intii ay joogeen.

 

Waxaa uu ugu bishaareeyey Reer Mareykan in ay wakiil u soo magacabayaan Washington D.C arrintaas oo arrimihii la soo jeediyey ka mid ahayd. Waxaa kale oo uu sheegay in shirkii dib u heshiisiinta uu qabsoomayo dhaqaalihii dib u dhaca keenayna la helay oo gacanta lagu hayo. Waxaa kale oo uu sheegay Mr. Geedi in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka dalban doono in ciidamadda ammanka ee Qaramada Midoobay la geeyo Soomaaliya taasi oo si rasmi ahaan ah ay dawladda u warsan doonto UN-ka

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa marka uu dhameysto booqashada Mareykanka ku tegay waxaa uu u duuli doonaa dalka Ghana oo uu kaga qayb gali doono shir ay Madaxda Afrika halkaasi ku leeyihiin, isagoo shirkaasina ku meteli doona Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed

 

Xafladdaas oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Metro Washington oo ka kooban Maryland, Virginia iyo Washington D.C waxa ay ahayd mid loo agaasimay heer si Qaran ah iyadoo Amniga iyo nabadgelyada ay maamulkiisa la wareegeen Ciidamadda Maraykanka ee US Secret Service ee sida gaar ah u ilaaliya Madaxda ugu sarraysa ee dalkan Maraykanka sida Madaxweynaha iyo Madaxda heer Qaran ee waddamada kale ee booqashada ku taga Dalka Mareykanka.

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan

Metro Washington

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).