Talaado, June 26, 2007(HOL): Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. C/llaahi Axmed Afrax oo gaari ku marayay Wadada 30-ka, gaar ahaan nawaaxiga Hotelka Bin Cali ayaa ka badbaaday Qarax miino oo lagu dili lahaa.
Wasiirka oo qaraxaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Qaraxa lala beegsaday ee uu ka badbaaday ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo rayid ah iyo shan ka mid ah ilaaladiisa, kuwaasi oo qaba dhaawacyo isugu jira kuwo culus iyo kuwo fudud.
Wasiirka waxaa uu sheegay in ay qaraxaasi ka dambeeyeen sida uu hadalka u dhigay kooxihii wax qarxin jiray, wuxuuna carrabka ku dhuftay in qaraxa loo geystay uusan saameyn ku yeelan doonin howlaha uu ka hayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaysan u ahayn markii ugu horeysay oo la isku dayo in la dilo, waxaana mar sii horeysay lagu weeraray gurigiisa, iyadoo weerarka lagu qaadayna loo adeegsaday Bambo Gacmeedyo iyo Hoobiyayaal.
Qaraxan lala beegsaday Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhacay wax yar kadib markii Qarax kale oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Bakaaraha ay ku geeriyoodeen shan Haween ah, kuwaasi oo howl nadaafadeed ka waday halka uu Qaraxa ku qabsaday.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay gacan ku heynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka dhacayay Qaraxyo qaarkood lala beegsaday Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, dhawaan ayayna ahayd markii uu Qarax weyn oo lagu dili lahaa ka badbaaday Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






