Talaado, June 26, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu ku dhawaaqay in lacag dhan 500,000 Sh.So lagu ganaaxi doono qofkii ku xadgudba amarka bandowga ah ee lagu soo rogay Magaalada Muqdisho.
Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Siyaasadda C/llaahi Xasan Ganey Firimbi ayaa sheegay in uu maamulka go’aan ku gaaray in lacagtaas laga qaado dadka u hoggaansami waaya amarka bandowga ah, isagoo dadkana ugu baaqay in ay guryahooda ku xaroodaan inta aan la gaarin waqtiga Bandowga, si ay uga badbaadaan in lacagtaas ganaaxa ah.
C/llaahi Firimbi waxaa uu sheegay in Bandowga uu xitaa saameynayo xaafadaha dhexdooda, isla markaana aan la ogolaan doonin in ay dadka horfariistaan guryahooda hortooda ama ay dhaqdhaqaaqa ku sameeyaan xaafadaha dhexdooda.
“Amarka Bandowga waa amar Dowladeed, waxaana loo baahan yahay in sida uu yahay loo qaato”ayuu yiri C/llaahi Xasan Ganey Firimi oo intaas ku sii daray in dadka ku xad-gudba bandowga marka la qabto baaris lagu sameyn doono, kadibna la xaqiijin doono in ay dadka la qabtay fal dembiyeedyo gacanta kula jireen ama in ay ahaayeen kuwo bandowga kaliya u hoggaansami waayay.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay wuxuu ugu soo rogay dadka ku xadgudba Bandowga lacag ganaax ah oo dhan 200,000 Sh. So, taasi oo dabcan haatan u muuqata in ay maamulka Gobolka Banaadir la yaraatay, bacdamaa la gaarsiiyay 500,000 Sh. So ah.
Iyadoo Bandowgan uu ka jiro Magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa habeen kasta dhaca qaraxyo iyo weerarro lala beegsanayo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo weliba Ciidamada Booliska ah ee howlgallada ku jira, ilaa iyo haatanna ma jirto cid loo qabtay in ay qaraxyadaas ka dambeyso.
Si kastaba arintu ha ahaatee, Guddiga Ammaanka Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dabayaaqadii todobaadkii hore waxaa uu soo saaray amar bandow lagu gelinayo Magaalada Muqdisho, iyadoo bandowgana lagu sheegay mid lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






