14.2 C
London
Sunday, November 9, 2025

Qaraxyo iyo iska hor-imaadyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, June 26, 2007(HOL): Qaraxyo iyo iska hormaadyo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ka dhaceen xaafado ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxyadan-na ay dhacayaan xili ay magaalada Muqdisho habeenkii afaraad Bandow ku jirtay.

 

Xaafado hoos yimaada Degmooyinka Huriwaa iyo Howl-Wadaag ayay xalay Qaraxyo iyo iska hor-imaadyo ka dhaceen, iyadoo la soo weriyay in iska hor-imaad ka dhacay inta u dhaxeysa Warshaddii Baastada iyo Xaafadda SOS ay ku naf waayeen labo ruux oo rayid ahaa, kuwaasi oo la sheegay in ay dhiig-bax u geeriyoodeen kadib markii bandowga jira aawgiis guryaha laga soo bixin waayay.

 

Iska hor-imaadka ka dhacay inta u dhaxeysa Warshaddii Baastada iyo Xaafadda SOS ayaa la sheegay in uu ahaa mid la isugu adeegsaday hub waa weyn, iyadoo qoys ku dhaqan xaafadda Dabaqeynka uu madfac ku habsaday, kadibna uu halkaas dhaawac halis ah ka soo gaaray labo ruux oo ka mid ah Qoyskaas.

 

Ciidamo tiro badan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa saakay lagu arkayay Isgoyska Ex-Koontarool Balcad, kuwaasi oo joojiyay isu socoka Gaadiidka iyo Dadka, iyadoo taasina ay keentay in ay gaadiidka iyo dadkaba si qarsoodi ah u isticmaalaan waddooyinka xaafadaha dhexdooda ah.

 

Afar habeen oo magaalada Muqdisho uu saaran yahay amar bandow ah oo ay ku soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa habeen kasta  ka dhacayay Qaraxyo iyo iska hor-imaadyo aad moodeyso in looga soo horjeedo Bandowga maadaama ay qaraxyada dhacaan xiliyada uu bandowga bilaabanayo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxyada iyo iska hor-imaadyada Muqdisho ka dhacaya iyadoo uu Bandow jiro ayaa waxay muujinayaan in  aaney Dowladda Federaalka heynin Ciidamo Soomaali ah oo ku filan sugidda Ammaanka Muqdisho, bacdamaa la xaqiijiyay in ay jireen Isgoysyo aan Ciidamo la geynin balse ay Dadkii ku sugnaa iskood Bandow uga dhigeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).