14.2 C
London
Sunday, November 9, 2025

Dad sugayay Raashin Mucaawino oo Shan ruux laga dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, June 25, 2007(HOL): Shan ruux ayaa geeriyootay tiro kale oo aan la cayiminna dhaawac ayaa soo gaaray kadib rasaas lagu furay dad sugayay raashin mucaawino ah oo ay u qeybin lahayd Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.

 

Dadkani oo ku sugnaa nawaaxiga Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada C/Casiis ayaa la sheegay in ay fowdo ka dhex bilaabatay kadib markii uu ka soo raagay raashinkii ay sugayeen, iyadoo kadibna ay rasaas ku fureen Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

 

Shanta ruux ee geeriyootay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen rasaastii ay fureen Ciidamada Booliska, kuwaasi oo isugu jiray dad da’aad kala duwan leh. Shaqaaqadaas kadib ayay Dadkii raashinka sugayay isaga tageen halkii ay ku sugnaayeen kadib markii ay dhibaato uga timid dhimaca Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka.

 

Raashinka Mucaawinada ah ee la siiyo dadka soo barakacay iyo kuwa Qaxootiga ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan dambe waxaa qeybintiisa ka dhalanayay qas iyo fowdo ka timaada dadka raashinka loo qeybiyo, kuwaasi oo ka tallaabsada nidaamka ay u sameeyaan maamullada Degmooyinka ay hoos tagaan. Shalay ayaa ugu dambeysay Raashin Mucaawino ah oo lagu qeybinayay Degmada Boondheere ayaa waxaa ka dhacday shaqaaqo tii maanta oo kale ah, inkastoo aysan halkaasi dad ku dhiman.

 

Dhanka kalena, Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere ayaa ku eedeeyay Hay’adda WFP in ay dalka Soomaaliya uga shaqeyneyso sida isagoo aanan lahayn wax dowlad ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay hadda hor xiriir la sameeyeen maamulka hay’addaas balse qoraalkii ay u direen loo hoggaansami waayay.

 

Mar sii horeysayna Wasiirka waxaa uu ku eedeeyay Hay’adda WFP in ay dadka Qaxootiga ah u qeybiso raashin dhacay oo ay muddo Bakhaarro ku heysay, inkastoo warkaas ay beeniyeen Mas’uuliyiin u hadlay Hay’adda WFP.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dad badan isugu jira kuwo horay uga soo barakacay Gobollada Dalka  sababa la xiriirta Abaaro iyo Fataahado ka dhacay iyo kuwo ay barakiciyeen Dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay ayaa haatan waxay u baahan yihiin gargaar Bani’aadannimo oo ay ka helaan Hay’adaha Samafalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).