Isniin, June 25, 2007(HOL): Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Moseveni ayaa magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya waxaa uu u joogaa sidii uu Arrimaha Dalka Soomaaliya ugala hadli lahaa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo madaxda Midowga Afrika ee halkaas ku sugan.
Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay labada mas’uul ka wada hadlayaan xiriirka labada dal iyo weliba arrimo ku saabsan Qaaradda Afrika, gaar ahaan Arrimaha Soomaaliya.
Ajendayaasha ay ka wada hadlayaan labada mas’uul ayaa la sheegay in ay safka hore kaga jiraan Arrimaha Xaaladda Dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka socda Dowladaha Itoobiya iyo
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan 1,500 Askari oo ka socda Dowladda
Dowladda
Madaxweynaha Uganda Yoweri Mosaveni ayaa inta uu joogo magaalada
Kulanka ay arrimaha Soomaaliya ka yeelanayaan madaxda Dowladaha Itoobiya iyo Uganda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ay Muqdisho ka wadaan howlgallo amni sugid iyo hub uruurin isugu jira, halka Ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan uu iyana doorkoodu yahay in ay qarxiyaan Miinooyinka iyo Bambooyinka laga soo uruuriyo magaalada Muqdisho, inkastoo ay ammaan ku muteysteen in ay gurmad biyo dhaamin iyo daweyn isugu jira ay u fidiyeen dadkii ka barakacay iyo kuwii ku dhaawacmay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay bilihii Maarso iyo April ee aynu ka soo gudubnay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






