Isniin, June 25, 2007(HOL): iyadoo habeenkii seddexaad uu xalay Bandow saarnaa magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa ka dhacay falal nabadgelyo darro ah oo isugu jiray dil, qaraxyo iyo is-rasaaseyn.
Xalay xiligii Salaadda Maqrib kadib ayaa Bam lagu qarxiyay Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa agagaarka Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo kadibna ay halkaas ka dhacday is-rasaaseyn socotay qadar 15 daqiiqo ah, taasi oo la sheegay in ay u dhaxeysay kooxihii wax qarxiyay iyo Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka.
Is-rasaaseyntaas ayaa la sheegay in ay ku naf weyday haweeney ay haleeshay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen, taasi oo meydkeeda saakay laga qaaday Isgoyskaas, bacdamaa aysan xalay suurtageli karin in la qaado sabab la xiriirta iyadoo aysan eheladeeda ka warqabin iyo iyadoo magaalada ay bandow ahayd, isla markaana la joojiyay isu socodka dadka.
Sidoo kalena agagaarka Masjidka Shiikh Cali Suufi ee Degmada Hodan ayaa xalay lagu dilay nin ka tirsan Ciidamada Booliska ah ee ka howlgala Saldhigga Degmada Kaaraan, kaasi oo la sheegay in uu ku sii jeeday gurigiisa oo Degmada Hodan ku yaala.
Guddoomiyaha Degmada Hodan Cabdi Maxamuud Dhabaney ayaa xaqiijiyay dilka Askarigaas, wuxuuna sheegay Guddoomiyaha in ay dilka Askariga ka dambeeyeen sida uu hadalka u dhigay kooxihii dilalka ka geysan jiray Magaalada Muqdisho.
Dilka loo geystay Askarigan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Muqdisho uu saaran yahay Bandow uu ku soo rogay Guddiga Amniga Qaranka oo Bandowgaasi ku macneeyay mid lagu adkeynayo ammaanka Magaalada Muqdisho.
Dhanka kalena, Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxay fashiliyeen Miino la geliyay agagaarka Isgoyska Afarta Jardiino, waxaana taasi suurtageliyay dadka deegaanka oo ku wargeliyay Ciidamada Booliska in waxyaabo qarxa la soo dhigay xaafaddooda. Maalintii dorraad ahayd ayay sidan oo kale Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka fashiliyeen labo miino oo lagu aasay xaafado ka tirsan degmooyinka Deyniile iyo Xamar Ja-jab ee Magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalena ay arrintaas ku suurtagashay iskaashi dhexmaray Dadka Deegaanka iyo Ciidamada Booliska.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






