Axad, June 24, 2007(HOL): Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha ay Ciidamadeedu ka talinayaan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta waxay soo saareen go’aanno lagu sugayo ammaanka Magaaladaas.
Odayaashan oo tiradoodu ku dhaweyd 40 Oday, isla markanaa uu shirkooda shir guddoominayay Suldaanka Beesha Sade ee Gobollada Jubbooyinka Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarow ayaa waxay gunaanadkii shirkooda ka soo saareen qodobo ay ka mid ahaayeen:
In Ciidamada ku sugan gudaha Magaalada Kismaayo dib loogu celiyo Xeryo ay horay ugu jireen, in sugidda ammaanka Magaalada looga dambeeyo Ciidamo Boolis iyo Meleteri isugu jira oo iyagu horay ammaanka Magaalada u sugi jiray, in qofkii la dilo isagoo ku guda jira falal amni darro iyo dhac ah uusan wax diyo ah lahayn, in ay ganacsatada Magaalada Kismaayo iyo Hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed ay ka qeyb-qaataan sugidda ammaanka Magaalada Kismaayo iyo in ay Hay’adaha Gargaarka gurmad deg deg ah la soo gaaraan Dad ku dhibaateysan deegaano ka tirsan Gobollada Jubbooyinka.
Shirkan ay go’aannada ka soo baxeen ee ay Odayaasha Beesha Sade ku yeesheen Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu dagaal ku dhexmaray Magaaladaas duleedkeeda labo ciidan oo ka wada tirsan Dowladda Federaalka, iyadoo dagaalkaasna ay ku dhinteen dad ka badan 15 ruux.
Xiisaddii u dhaxeysay labada Ciidan ee gacan ka hadalka gaartay ayaa weli meesheedi taagan, mana jiro ilaa iyo haatan wax xal ah oo laga gaaray khilaafka dhexmaray, inkastoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) uu mar u tegay magaalada Kismaayo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka soo kala dhexgalay Ciidamada ka wada tirsan Dowladda Federaalka ee qaabka Qabiil isugu dhacay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, ilaa iyo haatan lama sheegin cid waan waan wadda oo ku dhex baxday Ciidamada ku dagaalamay Deeegano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, marka laga reebo in uu iskiis u istaagay dagaalkii labada dhinac dhexmaray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






