11.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo Dad ay ku dhaawacmeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, June 24, 2007(HOL): Afar Ruux ayaa dhaawacantay kadib markii uu Qarax ka dhacay goob Qaadka lagu iibiyo oo ku taala Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 

Qaraxan oo ka dhashay Bambo nooca gacanta laga tuuro ah ayaa waxaa lala beegsaday goobta ay Dadka Dhaawacmay ku sugnaayeen, halkaasi oo ah inta u dhaxeysa Isgoyska Howl-wadaag iyo Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Telecom ee Magaalada Muqdisho.

 

Markii qaraxaas dhacay kadib ayaa halkaas waxaa si dhaqsi ah ku tegay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka, kuwaasi oo kala eryay dadkii halkaas ku sugnaa, iyagoo rasaasna ridayay.

 

Halka Bamka lagu tuuray ayaa waxay tahay meel aad u mashquul badan waayo waxaa ku taala Busteejo laga raaco Gaadiidka BL-ka ah ee u kala goosha Isgoyska Sanca iyo Suuqa Bakaaraha, sidoo kalena waxay tahay meel lagu iibiyo Qaadka, hayeeshee marka laga reebo afarta ruux ee dhaawacantay ma jirto cid kale oo ay waxyeello ka soo gaartay Qaraxaas.

 

21-kii bishan ayay ahayd markii Bam lala beegsaday Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa gudaha Suuqa Bakaaraha ay ku dhinteen seddex ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Askartii Bamka loola dan lahaa, iyadoo muddooyinkan dambe-na uu ammaanka Suuqa Bakaaraha faraha ka sii baxayo.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa horay u sheegay in dadka ka dambeeya qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho laga soo abaabulo gudaha Suuqa Bakaaraha, inkastoo uusan sheegin tallaabo uu maamulkiisa ka qaadanayo arrintaas.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha ayaa dhowr jeer oo hore waxaa lagu dilay dad rayid ah oo qaarkood laga dhacayay Taleefoonno gacan qaad ah oo ay wateen iyo weliba Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ay si gaadmo ah u dileen kooxo Bastoolado ku hubeysnaa, waxayna dhamaan shaqaaqooyinkaas ay muujinayaan in uu wax ka qabasho u baahan yahay Ammaanka Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).