11.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

C/qaasim Salaad oo sheegay in ay dalka Soomaaliya heystaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo taageero ka helaya Mareykanka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, June 24, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladdii TNG-da ee lagu soo dhisay Dalka Jabuuti C/qaasim Salaad Xasan ayaa shaaca ka qaaday in ay Dalka Soomaaliya heystaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo taageero ka helaya Dowladda Mareykanka.

 

C/qaasim Salaad oo u waramayay  Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee heysta Dalka Soomaaliya ay sida ay doonaan u maamulaan Dalka Soomaaliya, wuxuuna yaabka yaabkiis ku tilmaamay in ay Dowladda Mareykanka gacan siineyso Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya.

 

Shacabka Soomaaliyeed iyo Shacabka Mareykanka ayuu C/qaasim Salaad sheegay in ay yihiin kuwo ay ka dhaxeyso saaxibtinimo soo jireen ah, isagoo carrabka ku dhuftay in aysan jirin wax cadaawad ah oo u dhaxeeya shacabka labada dal, sidaas darteedna wuxuu Dowladda Mareykanka iyo guud ahaan beesha Caalamka ugu baaqay in ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya ka saaraan.

 

C/qaasim Salaad mar uu ka hadlayay shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaa uu  talo ku bixiyay in shirkaas laga dhigo mid looga heshiiyo khilaafaadyada Siyaasadeed, isla markaana laga qeybgeliyo dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida.

 

Dowladdii TNG-da ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan oo afar sanadood oo ay jirtay ka shaqeyn weyday Hoggaamiye kooxeedyo Muqdisho ka talinayay berigaas ayaa waxaa taageeri jiray Dowladaha Carabta, iyadoo la xusuusan yahay in aysan taageero ka helin Dowladaha Reer Galbeedka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadalka C/qaasim Salaad ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan baaritaan lagu sameeyay Gurigiisa, isla markaana halkaas laga helay Hub isugu jiray mid yar yar iyo mid waa weyn, inkastoo maalmo kadib baaritaankaas ay madaxda sare ee Dowladda Federaalka cudurdaar ka bixiyeen baaritaankii lagu sameeyay guriga madaxweynaha Dowladdii TNG-da, inkastoo aan dib loogu soo celin hubkii laga qaaday.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).