11.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay gurigiis lagu weeraray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, June 24, 2007(HOL): Xildhibaan Xuseen Cusmaan (Xuseenow) oo ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa xalay gurigiisa oo ku yaala Degmada Afgooye lagu weeraray.

 

Kooxo hubeysan oo watay gaari yar ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen guriga Xildhibaanka, balse ay kooxdaas iska caabin xooggan kala kulantay Ilaaladii Xildhibaanka oo ku guuleystay in ay jebiyaan oo ay ceyrsadaan kooxdii soo weerartay.

 

Kooxdaas dooneysay inay  waxyeeleyso Xildhibaanka oo aan heybtooda la garan ayaa markii la iska caabiyay kadib waxay u baxsadeen dhinaca Degmada Wanla weyn ee isla Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo ku baxsaday gaarigii ay wateen.

 

Xildhibaanka oo saakay ka hadlay weerarkii xalay lagu soo qaaday ayaa sheegay in uusan garaneyn sababta ay u soo weerareen Kooxdaas, wuxuuse carrabka ku dhuftay in ay ula muuqdeen kuwo isaga bartilmaameedsanayay.

 

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Degmada Afgooye ayaa sheegay in ku raad-joogaan kooxdii Xildhibaanka soo weerartay, isla markaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

 

Waa Markii ugu horeysay oo Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya weerar loogu geysto Degmada Afgooye, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Degmadaas ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo weliba kuwo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan.

 

Weerarka lagu qaaday Xildhibaanka ayay dadka qaarkiis ku tilmaameen in uu qeyb ka noqon karo weerarro lagu qaado mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kuwooda ugu sareeya lala beegsaday dhowr jeer oo hore qaraxyo lagu dili lahaa, iyadoo weeraradaasina la sheego in ay ka dambeeyaan kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).