11.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Shirka Dib u heshiisiinta uu noqon doono mid laga wada qeybgalo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, June 24, 2007(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho uu noqon doono mid laga wada qeybgalo.

 

Shiikh Aadan Madoobe oo wariyayaal kula hadlayay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa wuxuu sheegay in shirkaasi ay ka qeybgeli doonaan Syaasiyiinta, Kooxaha Qabaa’illada iyo Islaamiyiinta, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Shiikh Aadan Madoobe wuxuu intaas ku daray in uu Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed uu u soo jeediyay in uu tago Dalka Soomaaliya, si uu uga qeybgalo shirkaas oo ah mid la doonayo in looga hortago in uu dalka Soomaaliya dib ugu noqdo qaskii iyo fowdadii uu ku soo jiray 16-ka sano, kuwaasi oo salka ku haya Qabiilka.

 

“Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waa mid la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka Soomaalida, xubnaha ka qeybgelayana waxaa soo xuli doona hoggaamiyayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo intaas ku daray in ay shirka ka qeybgeli doonaan xubnihii waayay in ay galaan Baarlamaanka iyo Islaamiyiinta.

 

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in ammaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid hagaagsan oo saamixi kara in Shirka Dib u heshiisiinta lagu qabto, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Bandowgii dhawaan lagu soo rogay magaalada Muqdisho uu yahay mid la doonayo in ammaanka lagu sii adkeeyo.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed la qaban doono xiliga loogu talagalay, isagoo caddeeyay in uu taasi u xaqiijiyay Cali Mahdi Maxamed oo sida uu yiri u sheegay in la dhameeyay dayactir ka socday halka shirka lagu qabanayo, sidoo kalena la isla meel dhigay arrimaha ammaanka iyo Logistic-kada shirka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa labo jeer dib loo dhigay, iyadoo markii ugu horeysay dib loogu dhigay sababo la xiriira iyadoo ay Magaalada Muqdisho ka socdeen Dagaallo, isla markaana aan la heynin dhaqaalihii shirka lagu wadi lahaa, halka markii ugu dambeysay oo dib loo dhigayna la sheegay in aan la dhameynin dayactir ka socday halka shirka lagu qaban lahaa, sidoo kalena ay Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ku mashquulsan yihiin soo xulashada Xubnaha Shirka u metelaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).