12.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowladda Federaalka oo wargelin siisay Gaadiidleyda Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, June 24, 2007(HOL): Wasaaradda Gaadiidka  Cirka iyo Dhulka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay Gaadiidleyda Soomaaliyeed in ay is-diiwaangeliyaan, si loo siiyo sharcigii ay ku shaqeyn lahaayeen.

 

Wargelintan ka soo baxday Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Wasaaraddaas Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa loogu sheegay Gaadiidleyda in ay tagaan xarunta Wasaaradda, si loo diiwaangeliyo warqadaha aqoonsigana loo siiyo.

 

Warka ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka ayaa lagu sheegay in Gaadiidleyda la siin doono Warqado aqoonsi ah oo Caddeynaya Cidda Gaariga iska leh iyo weliba Leesinka gaadiidka lagu kaxeeyo, iyadoo la caddeeyay in qofka la qabto isagoo wada Gaari aan Caddeymahaas wadan loo aqoonsan doono in uu yahay Dembile  sharciga la horgeyn doono.

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay wuxuu u soo saaray amar uu Gaadiidleyda Gobolka Banaadir uga mamnuucayay in ay wataan gaadiid leh Muraayadaha aan la iska arki karin, iyadoo amarkaasina uu maamulka ku fasiray sababo dhinaca Ammaanka ah.

 

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa dalka Soomaaliya ku soo badanayay gaadiid aan sharci lagu kaxeyneynin, kuwaasi oo ay weliba kaxeynayaan Darawallo aan khibrad fiican lahayn oo si deg deg ah loo soo baray kaxeynta gaadiidka, taasina waxay keentay in ay bataan Shilalka Baabuurta noocii ay doonaanba ha ahaadeene.

 

Sidoo kalena, wixii ka horeeyay Dowladda Federaalka oo iyadu haatan isku howleysa in ay Gaadiidleyda Diiwaangelin iyo Sharci u sameyso waxaa jiray dhibaato ka taagan marista waddooyinka, gaar ahaan Gaadiidka, waxaana inta badan dhacda in ay isku dhacaan labo gaari oo isugu galay Waddo qaldan, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo uusan dalka ka jirin sharci ay ku kala nabadgalaan Gaadiidleyda.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wargelinta ka soo baxday Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay tahay mid dhabaha u xaareysa in la xakameeyo dhaqdhaqaaqa Gaadiidka isaga kala goosha Dalka Soomaaliya, gaar ahaana Magaalada Muqdisho oo ay yaalaan gaadiidka ugu badan Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).