Sabti 23, Jun, 2007 (HOL) Abaara saacadu markey aheyd 5:30 galabnimo ee maata ayaa qarax aad u weyn oo gali-gilay Tuulada Hal-gan oo ka tirsan Gobalka Hiiraan waxaa lagu weeraray Ciidamo Itoobiyaan ah oo halkaa marayay.
Sida uu HOL u sheegay Goob jooge halkaa ku sugaa markii qaraxaasu dhacayay waxaa ay fureen Ciidamada Itoobiya kadib qarax rasaas aad u culus oo sababtay dhaawaca dad rayid ah oo gaaraya 7 ruux kuwaasoo qaar kood la socday gaari TAYOTO ah oo ka ag dhawaan goobta qaraxu ka dhacay.
Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya Tuulada Hal-gan ayaa waxaa ay itaa ku darayaa in Ciidamada Itoobiya ay barayaan Goobo ganacsi ee ku yiilay Tuulada oo 60 km. u jirta Magaalada B/weyn, taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadka Reer Hal-gan.
Qaraxa Goor dhaw ka dhacay Tuulada Hal-gan ayaa ku soo beegmay labo maalmood uun ka dib Xili Magaalada B/weyn laga maqlay dhawaaqa Qarax aad u weyn oo sababay dhaawaca 3 Ruux oo rayid ah,
Ciidamada Itoobiya ee hada ku sugan Tuulada Hal-gan ee uu qaraxu ka dhacay ayaa ku soo jeeda Magaalada B/weyn iyaga oo ka soo anba baxay dhinaca Magaalada Muqdisho, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamdaasi lagu wado in howlo hub baaris ah ka sameyn doonaa Magaalada.
Qaraxyada is xig xiga ee ku soo kordhaya qeybaha gobalku ka kooban yahay ayaa kor u sii qadaya shakiga shacabku ka qabo Talaabooyin adag oo ay qaadaan Ciidamada Itoobiya oo keeni karta sida qaar ka mid ah dadku qabo iska hor imaadyo dhax mara kooxaha qarsoon ee ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online