12.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Eurosom iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Finland

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti, June 23, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta  Eurosom iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa ay booqasho shaqo ku yimaadeen magaaladda Helsinki ee dalka Finland, iyagoo u kuurgelaya xaaladda shaqo ee uu ururka Kanava iyo guud ahaan qabanqaabada cayaaraha meesha ay marayaan. 

 

Haddaba waxaa maanta markii uu guddoomiyaha soo degay waxaa ugu horeyntii soo dhaweeyey maamulka qabanqaabada Ciyaaraha, Macallimiin iyo Ciyaaryahanno hore oo uu hor kacayey Guddoomiyaha guddiga qabanqaabadda cayaaraha, ahna guddoomiyaha Kanava Mudane Abdulqadir Hadaafow. 

 

Wafdiga ayaa waxaa ay kadib u amba baxeen dhinaca iyo xarunta Kanava, halkaasi oo markii ay isku wareysteen Guddiga soo dhaweynayay Wafdiga Guddoomiyaha iyo maamulka Ciyaaraha la isku af-gartay in ay Wafdiga Guddoomiyaha booqdaan Garoomada iyo Deegaanka loogu talagalay in ay ka dhacaan Ciyaaraha EUROSOM ee sanadkan 2007.

 

Guddoomiyaha ayaa markii uu arkay garoomada iyo Deegaannada loo diyaariyay Ciyaartoyda iyo Wufuudda kale  si weyn ugu riyaaqay, una soo dhaweeyay, “Waan rumaysnaa khibradda ay u leeyihiin reer Finland iney ka soo baxayaan wax aan horey loo arag waxaa daliil u ah sida aan indhaheyna ku aragnay ee ay maanta soo bandhigeen”ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Eurosom.

 

-Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri sidoo kale waxaad halkan ka fahmi kartaa heerka tayo ee ciyaarahan marayaan oo aan is-leeyahay waxay ku talaabsadeen horumar weyn oo aan la soo koobi karin. 

 

Booqashaddii kadib ayaa martidii waxaa ay indha-indheyn gaaban ku soo mareen magaalada Helsinki, kadibna Wafdigii uu hoggaaminayay Guddoomiyaha ayaa la dejiyay halkii loogu talagalay. 

 

Waxaa xafladan iyo dhamaan soo dhaweynta guddiga Eurosom goobjoog ka ahaa, aabaha isbooriga Finland Macalin Bashiir Abdi Daahir, Siciid, Macallin Abdi Caagane, Macallin Jaango’an Ciyaaryahanka weyn Abdi Fitik, Mudane Mire, Xubin maamulka qabanqaabadda ciyaaraha Mudane Caamir, xubin qabanqaabadda Siciid, Macalinkii Xulka Qaranka Soomaaliya Buruko, Sugule Siciid Saalax iyo akhyaar tiro badan oo aan la soo koobi karin.





Afhayeenka Gudiga Qabanqaabada Ciyaaraha Eurosom

Mudane Abdiaziz Godah

agodah@hotmail.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).