13.3 C
London
Saturday, November 8, 2025

INJ. C/QAADIR EENOW: “Waxaa Xaqiiqo ah, Ummadduna wada ogtahay in aanan Argagixiso ahayn balse aan ahay Qof Jecel Horumarka iyo Nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, June 21, 2007(HOL): Ganacsade Inj. C/qaadir Maxamed Eenow oo gurigiisa ay dhawaan baareen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, isla markaana ay ka soo saareen Hub ayaa baaritaankaas kadib waxaa uu soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegay in gurigiisa ay dhac u geysteen Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo Ilaalada khaaska ah ee Ra’iisal Wasaare Geedi.

 

“17 sano oo dawlad la’aan ah kadib, ummadda ku dhaqan dalka Soomaaliya ee aan ka midka ahay, waxay sugayeen dawlad, sharci, nidaam iyo kala dambeyn,  Nasiib darro labadii maalmood ee la soo dhaafay waxay ciidamadda dawladda, kuwa Ethiopianka iyo kuwa khaaska ah ee Ra’iisal Wasaaraha ay kula kaceen hoygeyga iyo xafiisyadeyda intaba bililiqo iyo burburin, iyadoo la adeegsanayo awooda dawladda, halkasoo laga gurtay hub, qalab xafiis, mid guri, lacag iyo alaabo kale oo faro badan” ayuu yiri Inj. C/qaadir Eenow oo intaas ku sii daray in la xir xiray Dadkii la shaqeynayay iyo kuwo qaraabo la ah oo sida aaney jirin wax ay geysteen, kuwaasi oo laga soo qabqabtay Xafiiskiisa, Xafiiska Hay’adda Saacid iyo Guriyahooda.

 

Inj. C/qaadir Eenow waxaa uu intaas ku daray in la handaday shaqaalihii la shaqeynayay, kuwaasi oo loo sheegay in uu yahay Al-Qaacidda, sidaas darteedna ay hantidiisa Dowladda la wareegtay, “Waxaa xaqiiqo ah, Ummadduna wada ogtahay in aanan ahayn argagaxiso, balse aan ahay qof jecel horumarka iyo nabad ku soo dabaalida Dalka Soomaaliya”ayuu mar kale yiri Inj. Eenow oo intaas ku daray in uu  aaminsan yahay in aan Dalka Soomaaliya mushkiladdiisa lagu xalin karin Ciidamo shisheeye iyo xoog, balse waxa loo baahan yahay oo xalka ku jiro ay yihiin Wada Xaajood.

 

“Waxaan rabaa  inaan halkaan ka caddeeyo in aan ahay ganacsade, hubkaas u gatay in uu  ku ilaashado naftiisa iyo maalkiisa, balse aan Hub u iibsan in lagu dhibaateeyo Dadka Soomaaliyeed iyo cid kaleba” ayuu yiri Inj. Eenow

 

Wuxuu sheegay Injineerka oo hadalkiisan ay caro ka muuqatay in uu aamisan yahay in sharciga qofka ka sareeyo, balse uusan qofka sharci ahayn, sidaas darteedna uu madaxda Dowladda xil ka saaran yahay ilaalinta Sharciga iyo dhowrista Xuquuqda Shacabka oo uu isagu ka mid yahay, waa sida uu hadalka u dhigaye

 

“Dhibaatada naloo geystay Aniga, Hantideyda iyo inta xiriirka shaqo igala dhaxeyso waa xadgudub ka dhan ah nidaamkii lagu yaqiinay Dawlad, sidoo kalena xeritaanka dad sumcad fiican ku leh bulshada dhaxdeeda, waxqabadkoodana Ummadda ay wada ogtahay sida Raaxo Maxamuud Jinaqow waxaan u arkaa awood sheegasho”ayuu yiri Inj. C/qaadir Eenow oo sheegay in uu aaminsan yahay in dadka iyo dalkaba ay u baahan yihiin Dawladnimo, Caddaalad, Nabadgelyo iyo Hoggaan caadil ah oo aan Dadka ku gumaadeynin awoodda uu Shacabka u dhiibtay.

 

Ugu dambeyntiina Inj. C/qaadir Eenow oo la soo xiriiray HOL waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay dhaqamada Dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in qaab dhaqanka Ciidamadeeda uu yahay mid hareer marsan dhaqamada lagu yaqaano Dowladaha wanaagsan, wuxuuna farta ku fiiqay in dhaqamadaas aysan Dowladda Federaalka u horseedeynin Nabad iyo Dib u heshiisiin waarta, marka laga reebo in ay ka dhaxasho kala fogaansho Shacabka Soomaaliyeed dhexdiisa ku timaada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).