13.3 C
London
Saturday, November 8, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Xabsi ka sii deysay Taageerayaasha Maxkamadihii Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, June 21, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xabsigeeda Nabad-sugidda waxaa ay ka sii deysay maxaabiis taageerayaal u ahaa Maxkamadihii Islaamka ee awooddoodii la wiiqay dabayaaqadii sanadkii hore ee 2006.

 

Dadkan Xabsiyada laga sii daayay oo tiradoodu ay kor u dhaafeysay 50 ruux ayaa waxay isugu jireen kuwo Maxkamadihii Islaamka ku taageeri jiray Cod, Dhaqaale iyo Hub, sida uu sheegay Taliyaha Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Warsame Darwiish.

 

Mr. Darwiish waxaa uu sheegay in ay maalmaha soo socoda sii deyn doonaan dad kale oo ku jira Xabsiyada Dowladda Federaalka, wuxuuna caddeeyay in ay jiraan dad aan iyagu la deyn doonin oo galay dembiyo ay ka mid yihiin Dil iyo Qaraxyo, kuwaasi oo uu carrabka ku dhuftay in sharciga la marsiin doono

 

Taliyaha Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu intaas daray in qof kasta oo la sii deynayo laga reebayo caddeymo ku saabsan in uusan dib ugu laaban doonin waxyaabihii lagu soo qabtay, iyadoo sawir iyo saxiixna laga qaaday.

 

Sii deynta Dadkani ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu soo saaray qoraal uu cafis ugu fidinayo Dadka u xiran Dowladda Federaalka ee loo soo qabtay in ay taageerayaal u ahaayeen maxkamadihii Islaamka, iyadoo ka sii horna ay Xubnaha Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka isku raaceen in cafis loo fidiyo Taageerayaasha Maxkamadihii Islaamka iyo Dadkii la dagaalamay Dowladda Federaalka.

 

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay Dowladda Federaalka ee ku aadan in xabsiyada laga sii daayo dadka ku jira Xabsiyada Dowladda, inkastoo uu ku gacan seyray in cafis loo fidiyay taageerayaasha Maxkamadihii Islaamka, isagoo sheegay in ay tahay in ay Alle Cafis weydiistaan Madaxda Dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay dalka ku soo hoggaamiyeen Ciidamo Cadaw ku ah Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kalena, Guddoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa isna soo dhaweeyay Cafiska ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay Taageerayaasha Maxkamadihii Islaamka iyo cid kasta oo la dagaashay, wuxuuna caddeeyay in go’aankaas uu yahay mid mudan in la soo dhaweeyo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Cafiskan ay fidisay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dadka maanta Xabsiyadeeda ka sii deysay ayaa marka la isu geeyo waxay ku soo beegmayaan iyadoo bartamaha bisha soo socota ee July la filayo in Shir Dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed lagu qabto gudaha Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay Beesha Caalamka si weyn u daneyneyso in uu noqdo mid ay ku heshiiyaan dhinacyada isku haya Siyaasadda Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).