13.3 C
London
Saturday, November 8, 2025

Shaqaaqooyin sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, June 21, 2007(HOL): Shan Ruux ayaa geeriyootay 8 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii ay maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ka dhaceen shaqooyin ay qaarkood ka dambeeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Rasaas ay fureen Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxaa ku geeriyooday labo ruux oo rayid ahaa, waxayna Ciidamada rasaastaas fureen kadib markii ay shakiyeen nin soo qabsanayay Bastoolad dhulka uga dhacday, kaasi oo cararay kadib markii uu arkay Ciidamada Dowladda.

 

Qadar daqiiqado ah kadib ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan halka Timirta lagu iibiyo waxaa ku geeriyooday seddex ruux oo mid ka mid ah uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya, 8 ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii ay ku qaraxday Bambo aan la ogeyn meel laga soo tuuray.

 

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Xasan Cusmaan Buurane ayaa xaqiijiyay in Isbitaalkaas la geeyay 8 ruux oo dhamaantood laga keenay Suuqa Bakaaraha, wuxuuse Dhaqtarku  sheegay in dhaawacyada dadkaas ay ahaayeen kuwo aan darneyn oo fudud.

 

Shaqaaqadaas ka dhacday Gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa waxay sababtay in albaabada loo laabo inta badan goobihii ganacsiga, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo ay Suuqa galeen Ciidamo badan oo Boolis ah, kuwaasi oo rasaas cirka u riday, si ay dadka u kala ceyriyaan.

 

Dadkii albaabada u soo laabay goobahooda ganacsiga ayaa sheegay in ay iyagu iskood u go’aansadeen in ay soo xiraan Goobahoodii Ganacsiga, bacdamaa sida ay yiraahdeen uu xumaaday Ammaanka meeshii ay ku ganacsanayeen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha ayaa dhowr jeer oo hore waxaa lagu dilay dad rayid ah oo qaarkood laga dhacayay Taleefoonno gacan qaad ah oo ay wateen iyo weliba Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ay si gaadmo ah u dileen kooxo Bastoolado ku hubeysnaa, waxayna dhamaan shaqaaqooyinkaas ay muujinayaan in uu wax ka qabasho u baahan yahay Ammaanka Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).