13.3 C
London
Saturday, November 8, 2025

Magaalada Muqdisho oo bandow habeenkii ah lagu soo rogay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, June 21, 2007(HOL): Guddiga Ammaanka Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho lagu soo rogay Bandow Habeenkii ah laga bilaabo habeen dambe.

 

Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka Qaranka Maxamed Warsame Darwiish oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in bandowga uu bilaaban doono habeen dambe 7-da Fiidnimo isla markaana uu socon doono ilaa 5-ta Aroornimo.

 

Darwiish waxaa uu sheegay in ciddii bandowgaas u hoggaansami weysa loo arki doono in ay ka dambeyso falalka nabadgelyo darrada ah ee muddooyinkan ka jiray Magaalada Muqdisho, wuxuuna intaas ku sii daray in inta bandowgaas lagu jiro ay jiri doonaan howlgallo ammaanka lagu sugayo.

 

Maxamed Warsame Darwiish oo sidoo kale Taliyaha Nabad-sugidda Qaranka waxaa uu sheegay in Isgoys kasta iyo Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir la dhigi doono Ciidamo ammaanka suga, wuxuuna ugu baaqay Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho in ay Ciidamadaas la shaqeeyaan, isla markaana ay ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan wax nabadgelyo darro wada.

 

Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka Qaranka Maxamed Warsame Darwiish waxaa uu dhanka kale shaaca ka qaaday in ay muddo 14 maalmood ah oo maanta ka bilaabaneysa ay jiri doonaan qaraxyo ay dadka maqli doonaan, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin hub tayo xumaaday oo ay qarxinayaan Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan, sidaas darteedna wuxuu dadka u sheegay in aysan qaraxyadaas u qaadan kuwo waxyeello geysanaya.

 

Shirkaas Jaraa’id waxaa goob-joog ka ahaa C/llaahi Xasan Ganey Firimbi oo ka mid ah Gudoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. John Fiidow, kuwaasi oo iyana shacabka ugu baaqay in ay Ciidamada Dowladda kala shaqeeyaan sidii ammaanka loo sugi lahaa.

 

Ugu dambeyntiina, Bandowgan lagu soo rogay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ammaanka Gobolka Banaadir uu muddooyinkan ahaa mid aan wanaagsaneyn, isla markaana ay ka dhacayeen qaraxyo iyo dilal loo geysanayay dad aan waxba galabsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).