13.3 C
London
Saturday, November 8, 2025

Madaxweyne Cadde Muuse muxuu xilka uga qaaday Duqii Magaalada Boosaaso?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, June 21, 2007(HOL): Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi (Jen. Cadde) ayaa xil ka qaadis uu ku sameeyay Duqa Magaalada Boosaaso Khadar Cabdi Xaashi waxaa uu sabab uga dhigay in uu lacag Laaluush ah ka qaatay wax uu  ugu yeeray Kooxda Asmara  ee ka kooban Xubno laga saaray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadihii Islaamka, si ay rabshado uga abuuraan deegaanada Puntland.

 

Madaxweyne Cadde Muuse oo suxufiyiin kula hadlayay magaalada Boosaaso waxaa uu sheegay in ay Kooxdaas waddo qorshe ay ku burburineyso Maamulka Puntland, wuxuuna ku goodiyay in maamulkiisa uu ka hortegayo qorshayaashaas.

 

Wuxuu intaas ku daray madaxweyne Cadde Muuse in kooxo argagixiso ah oo xiriir la leh sida uu u yiri Kooxda Asmara ay weerarro ku soo qaadeen Deegaanno ka tirsan Gobollada Sool, Sanaag iyo Deegaanka Baar-gaal, kuwaasi oo ay ka hortageen Ciidamada Maamulkiisa.

 

Deegaanka Baar-gaal ayaa la sheegay in ay dhawaan gaareen Kooxo Wadaado ah oo ka tegay Xeebaha Koofurta Soomaaliya, kuwaasi oo  sida uu sheegay maamulka Puntland isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib kale, waxayna Kooxdaas Wadaadada ah la dagaalameen Ciidamo ka amar qaata Maamulka Puntland oo ku sugan Deegaanka Baar-gaal.

 

Kadibna Markab Dagaal oo Xeebaha Soomaaliya yaala ayaa deegaankaas madaafiic ku duqeeyay, iyadoo kagadaalna mas’uuliyiin u hadlay maamulka Puntland ay sheegeen in ay duqeyntaas ku dhinteen Dagaalyahanno Ajnabi ah oo dhowr Dal ka soo jeeda.

 

Deegaanada uu ka taliyo Maamulka Puntland ayaa xiligii ay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka talinayeen maxkamadihii Islaamka ee laga itaalka roonaaday waxaa ay ku sigteen in ay ka abuurmaan Maxkamado Islaami ah oo af-gembiya Maamulkaas, inkastoo uu soo af-jarmay maamulkii maxkamadaha Islaamka isagoo aan ku baahin Deegaanada Puntland.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).