Khamiis, June 21, 2007(HOL): Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa shalay waxay kulan la yeesheen Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee uu guddoomiyaha u yahay Cali Mahdi Maxamed, iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan shirkaas.
Odayaasha Hawiye iyo Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo uu shirkooda ka dhacay Hotelka Saxafi II ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay isla soo qaadeen sida loogu baahan yahay in la qabto shir Dib u heshiin Soomaaliyeed, inkastoo ay Odayaasha Hawiye soo jeediyeen in shirka uu noqdo mid qaab siyaasadeed loogu heshiiyo.
C/raxmaan Jimcaale Cusmaan oo Odayaasha Hawiye ka mid ah ayaa sheegay in ay Guddiga Shirka dub u heshiisiinta u dubiyeen mowqif ay wataan oo uu ku sheegay in uu yahay in shirka looga heshiiyo khilaafyada Siyaasadeed, walow uusan sheegin in laga aqbalay doonistooda iyo in kale.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkaas ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa in la isku af-gartay in maalinta Sabtida ah ee soo socota la isugu yimaado shir la isugu keenayo Beelaha Hawiye, kaasi oo ka horeynaya Shirka weyn ee loo qabanayo dhamaan Beelaha Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo isna kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay in ay ka qeybgelayaan Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee bisha soo socota bartamaheeda lagu qaban doono Magaalada Muqdisho, waase haddii buu yiri uusan shirkaasi ahayn mid wax loogu dhimayo Qowmiyadda Hawiye.
Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa dhawaan waxay sheegeen in aysan jirin wax ay kala socdaan shir dib u heshiisiineed oo lagu qabanayo Magaalada Muqdisho, iyagoo caddeeyay in aysan jirin cid arrimaha shirkaas kala soo xiriirtay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo ah mid ay qabashadiisa ka dambeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay Mas’uuliyiinta Dowladda horay u sheegeen in loo qabanayo Beelaha Soomaaliyeed ee colaadaha dhexmareen, halka ay Odaayasha Beelaha Hawiye qabaan in shirka uu noqdo mid khilaafyada Siyaasadeed looga heshiiyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






