13.3 C
London
Saturday, November 8, 2025

Xus loogu baroor-diiqayo Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco, June 20, 2007(HOL): Xus loogu baroor-diiqayay Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan oo 8-dii bishan June ku geeriyooday Magaalada Naiorbi ee dalka Kenya  ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho.

 

Xuskan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Bulshada Soomaaliyeed  qeybaheeda kala duwan, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dad la soo shaqeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya alle ha u naxariistee marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde.

 

Dadkii ka taariikheeyay nolosha madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo sida uu dhaqankiisii ahaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, wiilkiisa C/qaadir Aadan Cadde oo ka hadlay taariikhda Aabihiis, gaar ahaan markii uu dhalinyarada ahaa ee uu waxbarashada ku jiray, Avv. Maxamed Shiikh Gabyow ayaa isagana ka hadlay taariikhda Aadan Cadde xiligii uu yaraa ilaa uu madaxweynenimadiisa, Maxamed Faarax Ladane oo isna si weyn isu yaqaaneen marxuum Aadan Cadde ayaa isna ka taariikheeyay xili ay isla ganacsan jireen.

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo isagoo jooga Magaalada Pritoria ee dalka Koofur Afrika qadka Taleefoonka uga qeybgalay xuska baroor-diiqda ah ee loo sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa isna sheegay in uu marxuumku ahaa qof cadaalad Umaddiisa kula dhex noolaa, taasi oo u saamaxday in uu nabad ku noolaado iyadoo aysan jirin cid cadaawad u qabtay,  Sidoo kalena, Seynab Xaaji Cali Baxsan iyo mas’uuliyiin kale ayaa xuskaas ka hadlay, kuwaasi oo dhamaantood isku raacay in marxuum Aadan Cadde uu ahaa Qof ku dayasho mudan oo dhaqan wanaagsan lahaa.

 

Dadkii ka hadlay Xuskii Baroor-diiqda ahaa ee loo sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxay isku raaceen in aanu Soomaaliya soo marin hoggaamiye la mid ah marxuum Aadan Cadde oo ay sheegeen in uu ku dadaali jiray sidii ay u hagaagi lahaayeen Aakhiradiisa iyo Adduunkiisa, waxayna Alle uga baryeen inuu Jannada ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii iyo Asxaabtii uu ka tegayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Maxamed Faarax Ladane oo Dadkaasi ka mid ahaa ayaa sheegay in ay madaxweynihii hore muddo is-yaqaaneen, isla markaana uu ahaa qof mudan in lagu daydo oo ixtiraam weyn ku dhex lahaa dadkiisa, wuxuuna Ummadda Soomaaliyeed ugu duceeyay in uu Alle u soo bixiyo hoggaamiye la md ah, Caruurtii uu ka tegayna uu barakeeyo.

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan oo da’diisu ay ahayd 99 sano ayaa 8dii bishan June ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo loo geeyay in lagu daweeyo, waxaana meydkiisa si Heer Qaran ah loogu aasay 11-kii Bishan Deegaanka Ceel Carfiid ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Alle ha u naxariistee, Marxuum Aadan Cadde oo sanadkii 1908 ku dhashay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa uu Soomaaliya Madaxweyne ka ahaa intii u dhaxeysa sanadihii 1960 ilaa 1967-dii, wuxuuna Magaalada Nairobi ku geeriyooday 8-dii Bishan June 2007.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).