13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gobolka Hiiraan oo soo saaray Miino la geliyay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco, June 20, 2007(HOL):
Goob aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada B/weyn ayay ku guuleysteen Ciidamada Dowlada Federaalka ee Gobalka Hiiraan in ay ka soo saaraan Miino dhulka la galiyay kadib markii ay arkeen qaar ka mid ah Ciidamada oo goobtaasi marayay.

 

Abaan-duulaha Ciidamada  Federaalka Col. C/raxmaan Dhagool ayaa sheegay in Miinada la soo saaray aheyd mid wax badan ka duwan kuwii hore, isaga oo intaas ku daray in nooca Miinada ay soo saareen loogu tala galay in lagu qarxiyo gawaarida Culus ee dagaalka sida Tankiga oo kale, waxaana uu sheegay in soo saarista Miinadaasi la kaashadeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada B/weyn.

 

Col. C/raxmaan Dhagool waxaa kaloo uu sheegay in Miinada mar kale la soo saaray ay muujineyso sawir guud uu ku saleysan in qeybo ka mid ah magaalada lagu hayo hub sharci daro ah oo u badan wax yaabaha qarxa kuwaasoo ayuu yiri la soo galiyay gudaha  Gobalka Hiiraan waqtigii barakacu ka jiray Magaalada Muqdisho.

 

waa markii Sadaxaad oo la fashiliyo isku day la doonayay in wax lagu qarxiyo tan iyo wixii ka danbeeya dhawaan markii lagu weeraray Magaalada B/weyn gadiid ay wateen Ciidamada Itoobiya taasoo keentay in ay ku dhitaan 4 Ruux oo rayid ah.

 

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada xooga dalka ee Gobalka Hiiraan Col. Axmed Max’ed Axmed (Xubeero) ayaa sheegay in la mamnuucayo gaadiidka qaadka ka keena dhinaca Gobalada Gal-gaduud iyo Mudug, maadama ayuu yiri  wax yaabaha qarxa ee la soo galiyo gudaha gobalka inta badan laga keeno Gobalada dariska ah iyada oo loo soo marinayo gadiidka qaadka daabula, Lakiin Mas’uuliyiita Maamulka Gal-gaduud ayaa ku tilmamay eedeyntaa in ay tahay mid aan loo meel dayin oo waxba kama jiraan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).