Arbaco, June 20, 2007(HOL): “Rajada ugu weyn ee ku aadan in aan lagu xalin qaska ka jira Soomaaliya hab Mileteri waa iyadoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya awooddeeda wax ka siiso xubnaha qunyar socodka ah ee ka soo horjeeda” sidaasi waxaa yiri David Shinn oo ah Diblumaasi Mareykan ah oo si gaar ah ula socda Arrimaha Dalka Soomaaliya.
Ambassador David Shinn oo wax ka dhigaya Jaamacadda George Washington ee dalka Mareykanka ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu kala qeybgalay Xubnaha Baarlamaanka Midowga Yurub iyo Xildhibaano ka socday Dowladda Mareykanka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in nabad waarta oo loo helo Soomaaliya ay ku xiran tahay in awoodda dalka la qeybsado.
Si xal lagu wada qanacsan yahay loogu helo arrinta Soomaaliya ayuu Mr. David Shinn oo horay Safiir Dowladda Mareykanka uga ahaa Dalka Itoobiya ayaa wuxuu sheegay in taasi ay ku imaan karto in ay dadka Soomaaliyeed iyagu dantooda guud ku heshiiyaan, iyagoo meel iska dhiga damacooda gaarka ah.
David Shinn waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay tan kaliya oo ay UN-ka, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Beesha Caalamka ay wada aqoonsan yihiin, sidaas darteedna loo baahan yahay in la taageero si ay ugu guuleysato in ay noqoto mid laga wada qeybgalo.
Hadalkan uu sii daayay Safiirkan howl-gabka ah ee Mareykanka u dhashay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo bisha soo socota bartamaheeda la filayo in gudaha dalka Soomaaliya lagu qabto shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed, kaasi oo la sheegay in ay ku heshiinayaan beelo Soomaaliyeed oo colaad dhexmartay, iyadoo dalalka waa weyn ee Beesha Caalamkana ay muujinayaan in Dowladda Federaalka ay tahay mid aaney ka wada muuqan Beelaha Soomaaliyeed.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay xilal muhiim ah Dowladda uga magacaabeen shakhsiyaad ay isku heyb yihiin, taasi ayaana rumeysan yihiin in ay soo cel celiso baaqyada Beesha Caalamka iyo Diblumaasiyiinta khubarrada ah ka imaanaya, kuwaasi oo mar kasta codsada in ay Dowladda Federaalka noqoto mid laga wada qeybgalo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






