13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo u amba baxay New York

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco, June 20, 2007(HOL):
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa uu ka amba baxay Magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jireeda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi oo ka hor intii uusan ka amba bixin magaalada Muqdisho saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu Magaalada New York uga qeybgelayo shir uu halkaasi ku leeyahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 28-ka Bishan.

 

Shirkaas ayuu sheegay Prof. Cali Maxamed Geedi in uu ka jeedin doono warbixin ku saabsan xaaladda Dalka Soomaaliya guud ahaan, isagoo intaas ku daray in uu Golaha Ammaanka ka hor jeedin doono codsi ku saabsan sidii Dowladda Soomaaliya loogu taageeri lahaa qorshayaasha ay gacanta ku heyso ee ku aadan dhinacyada Nabadgelyada, Dib u heshiisiinta iyo Gargaarka Bani’aadannimada.

 

Prof. Geedi ayaa sheegay in marka uu kulankaas ka soo laabto uu soo mari doono dalka Ghana, halkaasi oo uu 1-da ilaa 3-da July uu ka dhici kulan ay isugu imaanayaan madax ka socota Qaaradda Afrika, isagoo caddeeyay in uu kulankaas ku meteli doono Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa socdaalka uu ku tegayo Xarunta Qaramada Midoobay ee New York wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu dhawaan ka badbaaday Qarax xooggan oo la doonayay in lagu dilo, isagoo sidoo kalena horay uga badbaaday seddex qarax oo kale oo iyana lagu dili lahaa, waxaana xusid mudan in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cambaareeyay Qaraxyada lala beegsaday Ra’iisal Wasaare Geedi.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).