Arbaco, June 20, 2007(HOL): Weerar xooggan oo loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ay ka dhaceen Garoonka Horseed ee Degmada Hodan, halkaasi oo ay kooxo hubeysan ku weerareen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Weerarkaas oo dhacay abaarihii 11:45pm ayaa waxaa la isugu adeegsaday hub dhawaqiisa laga maqlayay xaafado badan oo ku yaala magaalada Muqdisho, waxayna dhawaqa madaafiicdaas ay toosiyeen dad badan oo hurdada ay meel wanaagsan u mareysay.
Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Cali Saciid Shiikh Xasan ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu Ciidamada Dowladda Federaalka uga dhintay hal Askari, isagoo carrabka ku dhuftay in ay Ciidamada Dowladda Federaalka iska caabiyeen kooxihii soo weeraray.
Weerarkaas lagu qaaday fariisinka ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku lahaayeen Degmada Hodan ayaa waxaa ka horeeyay weerarro iyana xalay lagu qaaday Saldhigyada Booliska Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Huriwaa, kuwaasi oo ay kooxo hubeysan ku tuureen waxyaabo qaraxa.
Qaraxyadii iyo iska hor-imaadyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay qeyb ka yihiin falal nabadgelyo darro ah oo muddooyinkan ka dhacayay Caasimadda Soomaaliya, kuwaasi oo la sheego in ay ka dambeeyaan kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee Dalka Soomaaliya.
Dhanka kalena, shalay gelinkii dambe ayaa Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad waxaa lala beegsaday Qarax aan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha ka soo gaaray Ciidamadii halkaasi marayay, hayeeshee rasaas ay qaraxaasi kadib rideen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa ku naf waayay dad shan ruux ka badan, kuwaasi oo ay ku jireen seddex ruux oo wada dhalatay.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa mar kasta oo qaraxyo loo geysto waxay ku jawaabaan rasaas aan loo meel dayin oo ay ku dhintaan dad aan waxba galabsan oo qaarkood ay guryahooda iska joogaan, waxayna taasi dadka bartay in ay ka fogaadaan meelaha ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ku sugan yihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






