Arbaco, June 20, 2007(HOL): Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa si kulul u beeniyay war uu ka qoreen Wakaaladaha Wararka qaarkood, kuwaasi oo sheegay in Ismaaciil Buubaa uu ku biiray Xildhibaanadii xilka laga qaaday ee ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.
Ismaaciil Buubaa waxaa uu sheegay in warkaasi uu ahaa mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana laga sameeyay, wuxuuna eedda faafinta warkaas uu wax ka saaray xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uusan carabaabin.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu ku qanacsan yahay xilka Wasiirka Waxbarashada ee uu haatan ku magacaaban yahay, wuxuuna waxba
Dhinaca kalena, Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in uu halkaas kulamo kula leeyahay mas’uuliyiin ka socota Hay’adaha UNESCO iyo UNICEF, kuwaasi oo uu kala hadlayo sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada dalka Soomaaliya, gaar ahaana Dugsiyada Waxbarashada looga dhigi lahaa kuwo lacag la’aan lagu barto.
Ismaaciil Buubaa ayaa lagu tilmaamaa Wasiirrada ugu shaqada badan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo la rumeysan yahay in uu xiriirka dibadda si wanaagsan u soo hagaajiyay intii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ahaa, inkastoo aan la ogeyn waxyaabihii ay isku qoomeen mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka ee xilka Wasaaraddaas ka qaaday.
Sidoo kalena, Ismaaciil Buubaa wuxuu Wasiirka Arrimaha Dibadda mar ka ahaa Xukuumaddii Prof. Cali Khaliif Galeyr ee TNG-da, isagoo sidoo kalena xiligaas ahaa wasiir howl-kar ah oo shaqadiisa ka adag, sida ay sheegeen dadkii xiligaas la shaqeeyay.
Si kastaba Arintu ha ahaatee, Magaalada Asmara ee dalka
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






