
Arbaco, June 20, 2007(HOL): Deeq lacageed oo ay iska soo uruuriyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku dhaqan Wadanka Norway ayaa waxaa maanta loo qaybiyay dhowr Xero oo ku yaala deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaasoo ay deganaayeen qoysas fara badan oo ka barakacay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay
Deeqdani oo gaareysay lacag dhan 1,620$ (Kun Lix Boqol iyo Labaatan Doollar oo u dhiganta 28,350,000 Sh. So (Sideed iyo Labaatan Milyan iyo Seddex iyo Konton Kun Shillin Soomaali ah) ayaa waxaa Dadkaasi barakacay loo soo marsiiyay Daahir Xasan Guuleed oo isagu lacagtaas gacantiisa ku qeybiyay.
Daahir Xasan Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in Deeqda dadkaasi la soo gaarsiiyay ee ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway ay ahayd mid aad u wanaagsan oo ay Soomaalida taakulo isugu geysanayaan, isla markaana waxaa uu ugu baaqay qeybaha kale ee bulshada in ay ku daysadaan tallabada wanaagsan oo ay qaaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway.
Dadkii Deeqdaas Lacageed loo qeybiyay oo ahaa kuwo da’aad kala duwan isugu jiray oo ay duruuf nololeedna ka muuqatay ayaa waxaa ay u mahadceliyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deeqda Lacageed soo gaarsiisay, kuwaasi oo ay ugu duceeyeen in uu bedel kheyr qabo Alle ka siiyo Deeqda ay u soo direen.
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka dibaddiisa ku dhaqan ayaa waxay kaalmooyin kala duwan soo gaarsiiyaan Dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka, kuwaasi oo isugu jiray kuwo ka barakacay iyo kuwo ku dhaawacmay dagaalladii Muqdisho ka dhacay, waxayna taasi muujineysaa in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadaha ku dhaqan ay u damqanayaan dadkooda ku dhibtooda gudaha Dalka Soomaaliya.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






