Sabti, June 02, 2007(HOL): Markab kuwa dagaalka ah oo uu Mareykanka leeyahay ayaa duqeeyay goobo ka tirsan Gobolka W/Bari ee Soomaaliya, iyadoo goobaha la duqeeyayna uu Mareykanku sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan kooxo argagixiso ah oo ka dambeeyay Qaraxyo sanadkii 1998-kii loo geystay Safaarado uu Mareykanka ku lahaa Dalalka Kenya iyo Tanzania.
Markabkan oo lagu magacaabo USS Chafe, isla markaana yaala Xeebaha Soomaaliya ayaa wuxuu Deegaanadaas duqeeyay kadib markii uu xog ka helay Sir-doonka Mareykanka iyo dad ku sugan Deegaanada Puntland, kuwaasi oo u sheegay in ay kooxo Argagixiso ah oo uu Mareykanku baacsanayay ay ku sugan yihiin Deegaano ka tirsan Gobolka Bari, gaar ahaana Deegaanka Baar-Gaal.
Sir-doonka Mareykanka ayaa waxay rumeysan yihiin in ay deegaankaas ku sugan yihiin rag uu ka mid yahay Fazul Abdullah Mohammed oo madax u ah Al-Qaacidada Bariga Afrika, waa sida uu Mareykanka sheegaye, iyadoo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ay sheegayaan in Fazul Mohamed ay horay ugu duqeeyeen Diyaaradaha Mareykanka Koofurta Soomaaliya, xiligaasi oo ku beegneyd markii Maxkamadihii Islaamka lagala wareegay gacan ku heynta deegaano badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay muddo lix bilood ah ka talinayeen.
Fazul Abdullah Mohammed oo sidoo kale lagu eedeeyo in uu ka dambeeyay Weerarkii lagu qarxiyay Hotelkii Paradize ee ku yaalay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa wuxuu FBI-da Mareykanka ugu jiraa Liiska Rag badan oo ay Argagixiso ahaan u baadi-dooneyso, waxayna madaxiisa saartay lacag dhan 5 Milyan oo Doollar, taasi oo la sii siin doono qofkii soo sheega. Fazul Abdullah Mohammed ayaa la sheegaa in uu isticmaalo Baasaboorro badan iyo magacyo badan oo uu ku jiro midkan Harun Fazul.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee duqeyntan ayaa timid kadib markii ay deegaanka Baargaal gaareen Rag isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, kuwaasi oo halkaasi Doomo ku gaaray, iyadoo ay xusid mudan tahay in Raggani oo aad u hubeysnaa ay rasaas is-weydaarsadeen markii ay Baargaal gaareen Ciidamo halkaas ku sugan, kuwaasi ka shifay Ragga Soomaalida iyo Ajaaniibta isugu jira ee ay arkeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






