17.5 C
London
Thursday, November 6, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in si aan sax ahayn loo fasiray War uu siiyay Wargeyska Sharqul Awsat

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, June 02, 2007(HOL):Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere) ayaa saxaafadda gudaha ku eedeeyay in ay si aan sax ahayn u turjumeen War uu siiyay Wargeyska Sharqul Awsat.

Wasiirka waxaa uu sheegay in uu Wargeyskaas weydiiyay suurtagalnimada in uu mar kale dib u dhacayo Shirka Dib u heshiisiinta, isagana uu sheegay in uusan shirka arrimo nabadgelyo dib ugu dhaceynin, balse uu ugu dhici karo arrimo dhaqaale, hayeeshee ay Saxaafadda gudaha hadalkaas u turjumeen si uusan u dhihin oo ah in Shirka mar kale dib loo dhigayo.

Md. Gacma-dheere waxaa uu sheegay in ay taasi marin habaabin iyo ka been sheegid ahayd, sidaas darteedna wuxuu ka codsaday Saxaafadda madaxa Bannaan ee Soomaaliyeed in ay runta ka sheegaan waxyaabaha ay dadka u soo gudbinayaan, isla markaana ay dhinac iska dhigaan wararka aan salka iyo raadka lahayn.

Wasiirka waxaa uu sidoo kale ka sheegtay faallooyinka Wararka gadaasha laga raacsiiyo ee inta badan Dowladda looga sheego in ay tabar daran tahay, isla markaana aysan waxba ka qaban karin dilal mar kasta ka dhacaya Magaalada Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan jumladahaas oo uu ku tilmaamay kuwo hooris ah aysan ahayn kuwo wax dhisaya.

Ugu Dambeyntiina, Wasiirka waxaa uu ka codsaday Saxaafadda in ay Dowladda kala shaqeeyaan sidii ay u soo celin lahayd sharcigii iyo kala dambeyntii, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haatan wixii ka dambeeya uu wanaagsanaan doono Xiriirka ka dhaxeeya Dowladda iyo Saxaafadda, isagoo taasina sabab uga dhigay in la helay Xeer ay labada dhinac heshiis ku wada yihiin oo ay wada dhowri doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).